Rooble oo Hotelka Jaziira kula kulmay mucaaradka iyo bulshada rayidka + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho kulamo kula qaatay golaha midowga musharixinta Soomaliya, fadhigooda ugu weyn uu yahay halkaas iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in xubnaha uu kulankaas la leeshay Rooble ay ku jiraan ra’iisul wasaarihii ka horeeyey Xasan Cali Kheyre iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, kuwaas oo ka maqnaa goobtii xalay lagu kala saxiixday heshiiska.

Kulankii dhex-maray golaha midowga musharaxiinta iyo ra’iisul wasaare Rooble oo ahaa mid ay albaabadu u xiranaayeen ayaan laga helin xogo faahfaahsan, maadaama ay saxaafaddu dibad-joog ka aheyd.

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska R/wasaare Rooble ayaa lagu yiri, “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho waqti kula qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu ka dhageystay aragtiyo ku aaddan xaaladda dalka.”

Inkastoo aan qoraalkan lagu shaacin kulanka Rooble iyo musharaxiinta hadana wararka aan helnay waxay tilmaamayaan in ra’iisul wasaaruhu markii uu la kulmay musharaxiinta kadib uu qaabilay qeybaha bulshada rayidka ah, kuwaas oo la wadaagay aragtiyahooda ku aadan marxaladda kala guurka ah ee dalku ku jiro.

Sidoo kale kulanka oo aan horay loo sii shaacin ayaa ku soo aadaya iyadoo xalay ay Hotelka Decale ay heshiis ka kooban lix qodob ku kala saxiixdeen Rooble iyo midowga musharaxiinta.

Sida ku cad heshiiskii xalay raali gelintii Rooble kadib, waxaa ku xusan in xukuumaddu ay mucaaradka kala shaqeyneyso sidii banaanbaxooda ay ugu dhigan lahayeen si nabad ah, iyadoo ammaanka ay sugayaan ciidamada dowladda.