Ma dhab baa in ganacsato ku xiran Farmaajo ay dhulka D/Hoyga Xamar boobayaan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Cambaareyn culus ayey dowladdu kala kulantay burburin ay ciidamada booliska Soomaaliya xilligii dambe oo xalay ah ay kula kaceen dhismaha dugsiga Hooyga Xamar, oo ku yaalla meel u dhaw madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin ee degmada Hodan.

Siyaasiyiinta ka fal-celisay tallaabadaas waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Guuleed oo hadda u musharaxan madaxweynaha Soomaaliya iyo Xildhibaan Cabdiraxman Odawaa.

Ugu horeyn Cabdiraxman Odawaa oo nasiib darro ku tilmaamay wixii dhacay ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ragga dhulka boobaya dhulkaas ay yihiin ganacsato gacan saar la leh madaxweyne Farmaajo, kuwaas oo uu sheegay inay aad u taageerayaan dib u soo doorashadiisa.

“Dhulka la burburiyay waxaa lahaa Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, waxa ay ka soo saartay warqad ay uga soo horjeeddo burburinta hantida wasaaradda. Dhulka waxaa loo burburiyay ganacsato ay madaxweynaha xilkiisu dhammaaday Farmaajo gacan saar leeyihin kana qayb ah dib u doorashadiisa. Waxaan ku baaqayaa in loo hogaansamo codsiga wasaaradda, lagana celiyo dhulka dadka boobaya,” ayuu yiri Cabdiraxman Odawaa.

Caasimada Online ma xaqiiji karto in dadka ka dambeeya burburinta dhulkaas ay gacan saar la leeyihiin madaxweyne Farmaajo.

Dhanka kale Cabdikariin Guuleed oo isna qoraal ka soo saaray arrintan ayaa cambaareyn kadib wixii dhacay ku tilmaamay mid madaxda dowladda ee waqtigu ka dhamaaday ay maanta dalka ku sagootinayaan burburinta goobihii lagu dhisaayay mustaqbalka jiilka Soomaaliyeed.

“Burburinta iyo barakacinta goob waxbarasho ma’ahan talaabo sahlan oo lagu deg degi karo, inagoo og baahida waxbarasho ee ka jirta dalkeena. Iskuullaadku waxey kabbaan dowladnimada, xasiloonida iyo horumarka bulshada. Waa ayaan daro weyn in dowladdu muddo xilleedkeedii kusoo afmeerto burburinta goobihii lagu dhisaayay mustaqbalka dalka, waxeyna muujineysa fahamkooda gaaban ee ku aadan ahmiyadda ay waxbarashadu u leedahay ummad kasoo kabaneysa burbur iyo colaad. Dowladdu waxey heysatay fursado badan oo ay xal ku keeni kartay, iyadoo aan la isticmaalin dhaqankaan foosha xun,” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo maanta warbaahinta kula hadlay gudaha dugsiga la burburiyey ee Hoyga Xamar ayaa raali gelin ka bixiyey wixii dhacay, isagoo sheegay in sarakiishii, ciidankii burburiyey dugsiga iyo cid kasta oo ku lug laheyd falkaas ay ku ciqaabi doonaan.

“Aad iyo aad ayaa idinkaga raali gelinayaa wixii xalay dhacay, ma aheyn siyaasadda xafiisyada dowladda iyo tan boliiska toona, saraakiishii iyo ciidamadii howshaan fuliyey tallaabo sharci ah ayaa laga qaadayaa, waad maqli doontaan illaa berri subax tallabadaas, hadii Alle idmo,” ayuu yiri Taliye Xijaar.

Abaaro 4:00 am ee xalay ayey ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya oo watay gaadiid dagaal iyo cagaf-cagaf waxay burburin ku bilaabeen dhismaha dugsiga Hooyga Xamar, xilligaas waxaa jiiftay caruur aad u badan oo wax ku barata halkaas, waxuuna dugsigan ka mid yahay dugsiyada ugu waaweyn dalka.

Sharciyan dhulka uu ku yaallo dugsigan waxaa isla leh wasaaradda waxbarashada, taas oo sida ku cad dukumintiyo la soo bandhigay, kol hore u ogolaatay dugsiga Hooyga Xamar inuu sii deganaado dhismahan.

16-kii bishan Febraayo warqad ka soo baxday wasaaradda waxbarashada oo loo diray hey’adaha garsoorka dalka ayaa lagu amray joojinta boobka dhulkaas oo wasaaraddu ay cadeysay inay ku ogtahay dugsigan.

Dhulkaan waxaa mudo dheer dadaal ugu jiray inay si hoose u iibsadaan ganacsato reer Muqdisho ah, kuwaas oo sida aan xogta ku helnay isku deyey inay ka faa’iideystaan inta aan lagu wareejin gacanta dowladda.

Hoos ka eeg warqadii u dambeysay ee wasaarrada waxbarashadu ay ka soo saartay dhulkaas.