Jubaland iyo Puntland oo isku mowqif ka istaagay heshiiskii ay gaareeen R/W Rooble iyo Mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo qoraallo isku eg ka soo saaray heshiiskii ay xalay Muqdisho ku gaareen golaha midowga musharaxiinta iyo xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa soo dhaweeyey tallaabadaas, iyagoo xukuumadda ugu baaqay inay dhameystirto wax ka qabashada caqabadaha kale ee ku xeeran qabsoomidda shir wadatashi ah.

Puntland ayaa dowladda federaalka ku amaantay inay garawsatay mas’uuliyadda wixii ka dhacay Jimcihii hore, isla markaana ay ogolaatay in lagu sameeyo baaritaan madax-banaan.

“Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa heshiishka ay wada gareen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta xalay oo tariikhdu ahayd 25 Feb 2021, sidoo kalena waxay soo dhawaynaysaa in DFS ay garawsatay masuuliyadda wixii ka dhacay Mogadishu, 19kii Feb, ayna ogolaatay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo,” ayey tiri Puntland.

Qoraalka Puntland ayaa intaas ku sii daray, “Dowladda Puntland waxay ka rajaynaysaa Dowladda Federaalka ah dhameystirka wax ka qabashada caqabadaha kale ee ku xeeran qabashada shir wadatashi ah oo loo dhan yahay oo lagu dhameystirayo arrimaha muranku ka jiray, si ay u abuuranto jawi qabsoomidda doorasho ku dhacda si nabad ah, wadar ogol ah, waafaqsanna heshiiskii 17 September, habraacyadii lagu heshiiyey iyo Dastuurka ku meel gaar ka ah.”

Dhanka kale Jubbaland oo aan ka qoraal duwaneyn Pubtland ayaa ugu horeyn tiri, “Dowladda Jubaland waxay soo dhaweynaysaa heshiishka dhex maray  Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.”

Sidoo kale Jubbaland ayaa qoraalkan ku sheegtay in dowladda federaalka ay ka rajeyneyso inay wax ka bedesho hanaanka ay ula dhaqmayso musharaxiinta mucaaradka, isla markaana loo baahan yahay in ay la imaato xal la xiriira caqabadaha kale ee ku xeeran qabashada shir wadatashi ah oo loo dhanyahay.

Shirakaas oo lagu dhameystirayo “Arrimaha muranku ka jiray si ay u abuuranto jawi qabsoomidda doorasho ku dhacda si nabad ah oo wadar ogol ah taas oo waafaqsan heshiiskii 17 September habraacyadii lagu heshiiyey iyo Dhuruucda dalka.”

Ugu dambeyntii qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu yiri, “Jubaland waxaay ugu baaqaysa Dowlada Federaalka ah inay garowsato in saamileeyda Siyaasada iyo musharaxiinta ay xaq u leeyahiin ka qeyb galka daadalada socda ee la xiriira go’aan ka gaarista hanaanka Doorashada.”

Shir gelinkii dambe ee shalay ka furmay Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu kala saxiixday lix qodob oo heshiis looga gaaray rabshadihii Muqdisho ka dhacay 19-kii bishan iyo banaanbaxyadii ay dowladdu diiday, mucaaradkuna doonayeen inay qabtaan maanta.

Shirkaas waxuu u dhaxeeyay Ra’iisul wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle  iyo duqa Muqdisho oo dhinac ah iyo golaha midowga musharraxiinta Soomaaliya, waxaana guddi ka kooban lix xubnood oo kala metelaya labada dhinac loo saaray baaritaanka wixii dhacay Jimcihii hore.

Sidoo kale Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa qoraal maanta ka soo baxay xafiiskiisa ku soo dhaweeyey heshiiskii ay xalay kala saxiixdeen madaxda mucaaradka iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta.