Taliye Xijaar oo si adag uga hadlay burburintii loo gaystay dugsiga Hooyga Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo goordhaw warbaahinta kula hadlay gudaha dugsiga Hoyga Xamar oo saakay ay burburin kula jarmaadeen ciidamo boolis ah ayaa sheegay in wixii dhacay ay qalad ahaayeen.

Taliyaha ayaa sheegay in warqad dacwo ah oo ay soo gudbiyeen bahda waxbarashada oo aan kala harin ay gaartay dhammaan xafiisyada ugu sareeya dalka.

Waxa uu sheegay in madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka waxbarashada ay u soo direen xalinta arrintaan, isla markaana uu soo arkay sida ay wax u dhaceen.

“Aad iyo aad ayaa idinkaga raali gelinayaa wixii xalay dhacay, ma aheyn siyaasadda xafiisyada dowladda iyo tan boliiska toona, saraakiishii iyo ciidamadii howshaan fuliyey tallaabo sharci ah ayaa laga qaadayaa, waad maqli doontaan illaa berri subax tallabadaas, hadii Alle idmo,” ayuu yiri Taliye Xijaar.

Waxa uu sheegay in booliskii burburiyey dugsiga aysan tallabadaas ciqaabta ah ku ekaa doonin ee la daba geliyo ilaa halka ay ka soo bilaabatay howshan, isla markaana lagu ciqaabi doono cid kasta oo ku lug laheyd.

Sidoo kale Taliye Xijaar ayaa sheegay xil gaar ah uu iska saari doono arrintan oo sida uu sheegay looga faa’iideystay intii lagu mashquul sanaa heshiiskii lagu dejiyey xaaladda Muqdisho ee xalay lagu gaaray Hotelka Decale.

Taliyaha ayaa waxaa la socday guddoomiyaha degmada Hodan iyo mas’uuliyiin kale, sidoo kale waxaa goobta ku sugnaa inta badan bahda waxbarashada madax-banaan ee dalka.

“Waxaan soo arkay sariiro la jejebiyey, derbiyo la burburiyey iyo waxyaabo noocaas, dhibkaas waxaan kula noqonayaa madaxda dowladda, ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka waxbarashada ayaan la kaasha doonaa ka garaabidda arrintaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Taliyaha booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Hoos ka Daawo