Rooble oo ku adkeystay mowqifkiisa, iskana indho-tiray diidmadii Cabdi Xaashi

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble ayaa soo saaray qoraal uu ku xoojinayo warqadii maanta ka soo baxday guddiga doorashooyinka heer federaal, taas oo lagu shaaciyey goorta la qabanayo doorashada guddoonka guddiga maamulaya doorashada kuwaarsta gobollada waqooyi ee Somaliland.

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa iclaamiyey in doorashada guddoonka xubnaha guddiga doorashada kuraasta Somaliland la qabto maalinta Sabtida ah ee soo socota, waxaana qorshaha doorashadaas durba ka hor yimid garabka siyaasiyiinta reer waqooyi ee Cabdi Xaashi uu hoggaamiyo.

Warqad uu soo saaray wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isul Wasaare Rooble Cabdixakiin Ashkir ayaa lagu yiri, “Xafiiska Ra’iisul wasaaraha waxa uu adkeynayaa in doorashada Guddoonka Guddiga Doorashooyinka Somaliland ee SEIT ay noqoto mid daah-furan, laguna qabto waqtigeeda, si ay u gutaan waajibaadka loo xil-saaray.”

Hey’adaha dowladda Soomaaliya, kuwooda ay khuseyso doorashada guddoonka guddiga Somaliland iyo daneeyayaasha caalamiga ah ayaa lagu  faray warqada ka soo baxday xafiiska Rooble inay kor-joogteeyaan doorashada guddoonka xubnahaan oo Sabtiga soo socda la qorsheeyey inay ka dhacdo Tenedhada Afisyooni.

Golaha Siyaasiyiinta Somaliland ee uu hogaamiyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa galabta shaaciyey in aysan qeyb ka aheyn doorashada guddoonka guddigaas ee la shaaciyey inay qabsoomeyso maalinta Sabtida ee 7-da bishan.

“Waxay madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran ee doorashooyinka, waxgaradka iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ka soo jeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland) halkan ugu caddeynayaan inuusan jirin wax heshiis is-afgarad ah oo laga gaadhay kulamadii aanu la yeellanay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xubno golahiisa Wasiiradda ah oo uu ku jiray Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed maalmihii la soo dhaafay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Golaha Siyaasiyiinta Somaliland ee garabka Cabdi Xaashi.

Guddiga khilaafkaan uu hareeyey ee loo soo xulay inuu maamulo doorashada kuraasta labada Aqal ee xildhibaanada Somaliland ayaa ka kooban 11 xubnood. Afar ka mid ah xubnaha waxaa soo magacaabay Mahdi Guuleed. Afar kale waxaa soo magacaabay Cabdi Xaashi, halka saddexda hartay uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Rooble.

Saddexda xubnood ee uu soo magacaabay Rooble ayaa qorshuhu ahaa inay noqdaan kuwa ka madax-banaan labada garab ee is-haya, si ay miisaan ugu noqdaan, hase yeeshee, waxay la safteen dhinac ka mid ah dhinacyada is-haya.

Saddexdan xubnood ayaa bishii lasoo dhaafay ku biiray garabka Mahdi Guuleed, waxayna qabteen doorasho lagala dhuuntay garabka Cabdi Xaashi oo ay ku doorteen hoggaan.

Sidaas darteed, su’aasha ayaa ah; maxaa diidaya in mar kale ay sidaas sameeyaan marka la qabto doorashada hoggaanka cusub ee la shaaciyey in Sabtiga ay ka dhaceyso teendhada Afisyoone?

Dhibaatada ugu weyn waxa ay ka taagan tahay; in Rooble uu soo magacaabay xubno aan dhex-dhexaad aheyn, ayada oo aan taas la xalinna ma imaan doono xal, sida muuqata.

Waxaa jiray heshiis ay horey u gaareen Rooble iyo Cabdi Xaashi oo dhigayey in saddexda xubnood ee uu soo magacaabay Rooble aysan ka qeyb-gelin wax codeyn ah, maadaama aysan dhex-dhexaad aheyn, taasi oo Rooble uu diiday inuu fuliyo.

Qoraalka galabta ka soo baxay Golaha Siyaasiyiinta Somaliland ee uu hogaamiyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu yiri, “Waxaa Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxgaradka Soomaaliyeed iyo daneenayaasha doorashada 2021-ka la socodsiinaynaa inay muuqato in Ra’iisul Wasaaruhu ka baxay heshiisyadii la gaadhey iyo wada-hadalladii socdey.”