Turkey oo ka carootay qorshe uu soo jeediyey Mareykanka

Ankara (Caasimada Online) – Ankara ayaa ka carootay qorshe Mareykanka uu doonayo in dalal saddexaad, sida Turkey, uu dib u dejin ugu sameeyo kumanaan Afghani ah, oo halis ugu jira in Taliban ay u beegsito xiriirka ay la leeyihiin Mareykanka dartiis.

Wax kayar bil kahor inta aanu Mareykanka soo geba-gebeen dagaalka muddada dhaar ee dalkaas, ayaa Waaxda Arrimaha Dibedda waxay Isniintii ku dhowaaqday barnaamij qaadasho qaxooti oo lagu talo-galay dadka u dhashay Afghanistan.

Barnaamijkan ayaa caawinaya turjumaanada la shaqeeyey ciidamada Mareykanka, Afghaaniyiinta ku lugta leh mashruucyada uu maal-geliyey Mareykanka, iyo kuwa la shaqeeya ururada aan dowliga aheyn iyo warbaahinta Mareykanka.

Wuxuu barnaamijka qeexayaa in dadka la dejiyo dal saddexaad oo gobolka ku yaalla muddo sanad ah illaa laga diyaarinayo warqadaha sharci ee ay ku tagayaan Mareykanka.

Hase yeeshee Turkey, oo hadda ay ku nool yihiin afar milyan oo qaxooti badankood Syrian ah, ayaa sheegtay inaan lagala tashin.

“Waa wax aan la aqbali karin in dhibaato xal loogu raadiyo dalkeena, ayada oo aan ogolaansho laga haysan dalkeena,” waxaa sidaas bayaan ay soo saartay Talaadadii ku tiri Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkey.

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa Turkey ku sheegtay mid ka mid ah dalalka y suurta-gal tahay in dib u dejinta lagu sameeyo, ayada oo sidoo kale qeexday Pakistan.

Hase yeeshee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkey ayaa sheegtay in qorshaha Mareykanka uu hoggaamin karo “xasarad muhaajiriin oo weyn oo ka dhacday gobolka,” ayada oo intaas ku dartay inaysan awood u laheyn inay la tacaasho “qalalaase muhaajiriin oo cusub oo ay ugu daneyneyso dal saddexaad.”

Ayada oo la filayo in ciidamada Mareykanka iyo NATO ay ka baxaan Afghanistan, Turkey ayaa ka cabsi qabta qulqul cusub oo qaxooti ah.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in saraakiisha Turkiga ay wada-hadallo heer sare ah oo ku saabsan arrintan la leeyihiin dhiggooda Afghanistan.

AFP + VOA