Rooble ‘oo lagu cadaadinayo’ inuu u tanaasulo Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble cadaadis xoogan lagu saarayo sidii uu ugu tanaasuli lahaa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in xubnihii waan-waanta ka dhex waday labada mas’uul ay ka quusteen Farmaajo, islamarkaana ay hadda xal bideen in Rooble culeys ku saaran inuu tanaasulo, si xiisada xoogan ee labada dhinac xal looga gaaro.

“Waxaa boggaadin mudan waanwaan kasta oo xiisada lagu dejinayo, waxaanse ka xumahay in qoladii waanwaanta ku jirtay ay ka soo quusteen Farmaajo oo ay Rooble ku cadaadinayaan in uu tanaasulo. Tanaasul iyo gorgortan lagama geli karo xagal daacinta caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil, iyo gabbaad siinta eedeysanayaasha kiiska, iyo in RW uu hoggaamiyo amniga iyo doorashooyinka dalka,” ayuu ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur qoraal uu soo dhigay bariisa Facebook.

Dhex-dhexaadinta laga dhex-wado madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul Rooble ayaa xalay dib u billaabmatay, ayada oo la isku dayayo in heshiis la dhex dhigo labada nin, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Dadaalladan ayaa waxaa wada guddoomiyaha golaha shacabka ee waqtigu ka dhacay Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, oo ay wehliyaan shan wasiir iyo laba wasiir ku-xigeen, oo ka tirsan dowladda federaalka.

Ilo-wareedyo ku dhow wasiirada qeybta ka ah waan-waanta ayaa sheegaya in howsha dhex-dhexaadinta iyo u kala dab-qaadida Farmaajo iyo Rooble ay tahay mid bilow ah, oo aysan fileyn in si deg deg ah guulo looga gaaro, waxaa sidoo kale yar rajada laga qabo in heshiis la gaaro.

Qodobada la isku hayo ayaa ah kuwo aanu dhinacna ka tanaasuli karin, isaga oo aan u muuqan inaan laga adkaaday, waxaana si gaar ah aad u adag in ra’iisul wasaare Rooble uu ka tanaasulo kiiska Ikraan Tahiil Faarax, oo Farmaajo uu doonayo in la baabi’iyo.

Sidoo kale ma cadda, sida Rooble uga tanaasuli karo xubnihii uu magacaabay sida wasiirka amniga iyo taliyaha NISA, oo hadda si toos ah u shaqeeya, ugana sii daray xiisada kala dhaxeysa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.