Al-Shabaab oo weerar ku qaaday garoonka Dayniile

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday garoon diyaaradeed oo laga sameeyey degmada Dayniile, balse aan shaqeyn, sida ay noo xaqiijiyeen goobjoogeyaal.

Al-Shabaab ayaa weerarkan oo la sheegay inay kasoo qaadeen dhanka xaafadda Gubta waxay ku gubeen konteenaro yaallay halkaas, xafiisyo iyo agab kale, kadibna isaga tagay. 

Markii uu weerarka dhacayey ayaanay cidna joogin garoonka, mana la kulmin kooxdan wax iska caabin ah, sida aan xogta ku helnay. Lama sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarka.

Garoonka Dayniile ayaa laga dhisay dhul ay leeyihiin dad shacab ah oo la boobay, waxaana marar badan fashilmay isku day la doonayey in dowladda federaalka ay ku ogolaato inuu shaqeeyo, sababo la xiriira in dhulkaas yahay dhul shacab leeyahay.

Dhinaca kale, weerar ay Al-Shabaab xalay ku qaadeen xaafadda Gubta, gaar ahaan Ciise Cabdi, ayaa sababay dhimashada sarkaal ka tirsanaa maamulka degmada Dayniile, sida ay ku sheegteen qoraal ay soo dhigeen warbaahintooda.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka degmada Dayniile ayaan weli ka hadal weeraradan xalay dhacay.