Senator si weyn u taageera Farmaajo oo laga reebay liiska musharaxiinta Aqalka Sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Ayuub Ismaciil Yuusuf oo ka tirsan xubnaha Aqalka Sare ee muddo xileedkooda uu dhamaaday ee kasoo jeeda gobolada Waqooyi, gaar ahaan gobolka Awdal ayaa laga reebay liiskii musharaxiinta ay shaaciyeen Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi.

Senator Ayuub ayaa si weyn u taageera hogaaminta madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo xilligii uu taagna khilaafka culus ee kuraasta Somaliland uu la safnaa Mahdi Guuleed.

Ma cadda haddii Ayuub looga reebay liiska khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble, iyo haddii uu go’aansaday inuuu wareego Golaha Shacabka ee BFS, kadib muddo sanado ah oo uu ka tirsana Aqalka Sare.

Ayuub ayaa ka hadlin liiska Musharaxiinta xildhibaanada Aqalka Sare ee goboladda Waqooyi ee loo yaqaano Somaliland, marka laga reebo in barihiisa bulshada uu ku faafiyay waraaqaha liiska, taasi oo ka dhigan in uusan tabasho ka qabin liiskaas, uuna ka war qabay.

Musharaxiinta inta badan hunguriyeynaysa Aqalka Sare ee laga reebo liiska, ayaa badankooda waxay ka siman yihiin inay ka keenaan cabasho ama dood sababta loogu soo dari waayey liisaska musharaxiinta.

Liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqalka Sare ee Somaliland, oo tiradooda dhan tahay 24 musharax ayaa waxaa Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ka guddoomay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Musharaxiinta ay soo gudbiyeen Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ayaa waxay u tartami doonaan 11 Kursi oo Aqalka Sare ay ku leeyihiin gobolada Waqooyi ee hadda loo yaqaano Somaliland.

Toban ka mid ah kuraasta ayaa waxaa ku tartami doona laba illaa saddex musharax, halka Kursiga 1-aad uu musharax u yahay kaliya guddoomiyaha Aqalka Sare ee iminka Cabdi Xaashi Cabdullaahi.