Rooble oo qaaday tallaabo muujineysa heerka khilaafka kala dhaxeeya FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ahna qofka mas’uulka ka ah maamulka doorashooyinka Soomaaliya ayaa mar kale muujiyey heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka kala dhaxeeya madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaaajo.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaan fiidnimadii Khamiistii ka baaqday oo aan qeyb galin casho sharaf uu madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday u sameeyey mas’uuliyiinta Turkishka ee ku sugan Muqdisho, xilli loo dabaal-degayey sannad-guuradii 10-aad ee kasoo wareegtay iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga. 

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa lahaa xiriir wanaagsan kaasoo la hirgeliyey sanadkii 2011 markii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu markii ugu horeysay booqday Soomaaliya isagoo Ra’iisul Wasaare ahaa. Wixii markaas ka dambeeyay, Ankara iyo Muqdisho waxay u dabaaldegayeen maalintan si ay u xoojiyaan xiriirka labada dal.

Rooble oo safar uu ku aaday dalka Masar kasoo noqday subaxnimadii Khamiista ayaa, sida aan xogta ku helnay, iska diiday inuu ka qeybgalo xafladda sababo loo maleenayo inay xiriir la leedahay khilaafkii soo kala dhex galay labada mas’uul.

Khilaafka labada mas’uul ayaa kasoo billowday markii madaxweynaha Soomaaliya uu ka hor yimid wada-hadallada uu Rooble la furay dowladda Kenya, kuwaasi oo lagu soo celiyey xiriirka labada wadan in kastoo Rooble uu sheegay inay heshiiyeen.

Dhacdadaan ayaa muujineysa xiriirka sii xumaanaya ee Farmaajo iyo Rooble, xitaa iyadoo dalku isku diyaarinayo qabashada cod-bixinta baarlamaanka, waxayna tani saameyn ku yeelan kartaa rajada dib u doorasho ee Farmaajo.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa loo doortay inuu hoggaamiyo doorashooyinka dalka markii tiro daneenayaal ah ay ka biyo diideen sida Farmaajo iyo kooxdiisa u maamulayaan doorashada dalka.

Doorashada Soomaaliya ayaa la qaban doonaa 10-ka October kadib heshiis ay Muqdisho ku saxiixdeen madaxda Maamul Goboleedyada dalka iyo Ra’iisul Wwasaare Rooble, inkastoo laga cabsi qabo inay dib uga dhacdo waqtigaas.