DF oo war kasoo saartay diyaarado la sheegay in laga joojiyey inay tagaan Hargeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay warar maalmahaan la isla dhex marayey oo ku saabsan diyaarado laga joojiyey inay tagaan Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa wax kama jiraan ku tilmaamtay inay jiraan diyaarado laga celiyey inay ka dagaan Magaalada Hargeysa.

War kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa lagu caddeeyey inaysan jirin haba yaraatee amar kasoo baxay wasaaradda oo lagu joojiyey duulimaadyada diyaaradaha Fly Dubai iyo Air Arabiya ee Muqdisho iyo Hargeysa.

“Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya waxay Warbaahinta iyo Shacabka uga digeysaa faafinta wararka beenta ah ee ku saabsan in la joojiyey duulimaadyada diyaaradaha Fly Dubai iyo Air Arabiya ee Muqdisho iyo Hargeysa,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaradda.

Warka kasoo baxay Wasaaradda ayaa kuso aadaya kadib markii maalmihii ugu dambeeyey la hada hayey in Dowladda Soomaaliya ay labadaas diyaaradood ka mamnuucday inay kasoo dagaan garoonka diyaaradaha ee Hargeysa.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa jiray khilaaf dhanka farsamada ah oo u dhaxeeyey shirkadaha labadaas diyaarayood ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta iyo maamulka Somaliland.