Rooble oo soo saaray amar cusub oo la xiriira Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiinta Wasaaradaha dekadaha, gaadiidka iyo hay’adaha amniga, kaasi oo looga hadlay dhibaatooyinka soo noq-noqday ee haysta gaadiidka xamuulka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray mas’uuliyiinta Wasaaradaha dekadaha, gaadiidka iyo hay’addaha amnigaba in jidadka loo furo gaadiidka qaada xamuulka ee ka howl-gala dekeda Muqdisho

Sidoo kale waxa uu amray in caqabadahana laga hor qaado gaadiidkaas oo badeecooyinka geeya kana soo qaada dekadda Muqdisho, si loo fududeeyo ganacsiga, loona horumariyo dhaqaalaha dalka.

Amarkan cusub ayaa imanaya maalin kadib markii uu Ra’iisul Wasaaraha uu kormeer ku tagay dekedda magaalada Muqdisho, taasi oo uu ugu kuur-galayay habsami u socodka howlaha dekedda.

Rooble oo shalay warbixin ka dhageystay hay’adaha dhaqaalahah dalka iyo mas’uuliyiinta amniga dekadda ayaa kula dardaarmay hay’adahan in ay xoojiyaan wada shaqeynta dhexdooda ah, tayeynta iyo dardar gelinta adeegyada dekadda ayna dhowraan hufnaanta nidaamka dakhli ururinta.