Beesha Caalamka oo digniin kasoo saartay dagaalka Guriceel ka socda (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa looga hadlay xiisadda ka aloosan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, halkaas oo seddaxdii maalmood ee lasoo dhaafay uu dagaal lagu hoobtay ku dhexmaray Ahlu-Sunna iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Qoraalka beesha caalamka waxaa lagu sheegay in dhibaatada ka taagan Guriceel aysan ku ekeyn xaaladaha bini’aadanimo ee laga soo werinayo, balse sidoo kale ay colaadaasi hagal daacineyso oo khatar ay ku tahay sii socoshada doorashooyinka dalka iyo dagaalada lagula jiro Al-Shabaab.

“Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa ka walaacsan dagaalka ka socda magaalada Guriceel ee Dowlad Goboleedka Galmudug. Colaaddu ma aha oo kaliya mid sababaysa dhibaato bini’aadanimo oo ku dhacda dadka deegaanka, ee waxay sidoo kale tubta ka leexinaysaa hortabinnada degdegga ah ee dhamaystirka hannaanka doorashada iyo la-dagaallanka al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraalka Beesha Caalamka.

Sidoo kale Ahlu-Sunna iyo Galmudug ayaa loogu baaqay inay xiisadda u dhaxeysa wadahadal ku xaliyaan, waxayna xubnaha beesha caalamku qoraalkaan ku balan qaadeen inay diyaar u yihiin inay taageeraan dadaallada nabadda, waa haddii ay dhinacyadu ka codsadaan.

“Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada dirirtu ka dhaxayso inay si dhakhso leh u joojiyaan dagaalka oo ay wada hadal ku dhameeyaan khilaafkooda. Saaxiibada caalamku waxay diyaar u yihiin inay taageeraan dadaalladaas haddii ay dhinacyadu codsadaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

War-saxaafadeedkaan waxaa wadajir u soo saaray dowladaha iyo ururrada kala ah, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Kanada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Kenya, Jaamacadda Carabta, Netherlands, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.