Daawo: Rooble oo tegay xarunta NISA kana hadlay baaritaanka kiiska Ikraan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo wasiirkiisa amniga Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa caawa kormeer ku tegay xarunta hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Rooble oo shir jaraa’id ku dhex qabtay xarunta Habar Khadiija ayaa soo hadal qaaday baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil oo xasaasiyad badan uu ku qabo hoggaanka NISA.

Ugu horeyn Rooble iyo wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay agaasimaha KMG ah Yaasiin Farey iyo saraakiisha kale hay’adda, waxuuna Ra’iisul wasaare Rooble ku celceliyey in hey’adaan ay muhiim u tahay amiga qaranka.

“Waxaan rabaa inaan halkaan ka sheego in kiiska Ikraan Tahliil uu weli noo taagan yahay, waxaana maanta baaritaankiisa ku wareejinayaa xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida, waxaan rabaa in NISA ay si dhow ula shaqeyso xeer ilaalinta oo waqti kasta albaabka loo furo, hala shaqeeyo qof kasta oo NISA ka tirsan, waxaad ogtihiin in qof kasta oo inka mid ah uu cadaalad u baahan yahay, wasiirka amniga iyo taliyaha NISA waxaan farayaa in si dhow ay ula shaqeeyaan xeer ilaalinta,” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dalbaday saraakiisha hey’adda NISA inay badiyaan feejignaanta, isagoo sheegay in sirdoon la’aan aanu dalkeenu ka badbaadi karin cadawga dibadda iyo kan gudahaba.

“Waxaan idinku garab taaganahay aniga, madaxweynaha iyo wasiirka amniga, shaqada aad qaranka u heysaan, feejignaan iyo soo jeed badan ayaan idin farayaa, waxaan tacsi u dirayaa saraakiishii iyo shaqaalihii naftooda ku waayey halgankii dheeraa ee aad soo gasheen,” ayuu yiri Rooble.

Sidoo kale Rooble waxa uu sheegay in NISA ay tahay hey’adda kaliya ee shaqaaleheed ay iska uruuriyaan qaaraan, si ay isugu gurmadaan markii qaarkood dhib gaaro, isagoo balan qaaday inuu ku biirayo bixinta qaaraankaas, isla markaana uu hadda bixinayo qaaraankii la iska qaadi lahaa sanadka soo socda.

Hoos ka daawo