Xog: Ciidamada GALMUDUG oo weeraray guriga Sheekh ka tirsanaa AHLU-SUNNA

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamo uu hoggaaminayay taliyaha qeybta guud ee booliska Galmudug Gaashaanle Sare Khaliif Cabdulle Maalin ayaa waxay weerar ku qaadeen guriga guddoomiyihii degmada Gadoon ee gobolka Galgaduud Sheekh Cabdikariin Caabi Cali.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, weerarka ayaa yimid kadib markii sida la sheegay loo soo gudbiyay xog ku saabsan in halkaas uu ka socdo abaabul ciidan oo lagu taageerayo Ahlu-Sunna Waljameeca.

Sheekh Cabdikariin Caabi Cali ayaa horey uga tirsanaan jiray maamulkii hore ee Ahlu-Sunna, balse waxaa la sheegay in hadda uusan wax shaqo ah ku laheyn.

Ciidamada Galmudug oo isticmaalaya awood dheeri ah ayaa gudaha u galay guriga guddoomiyha oo ku yaalla deegaanka Gadoon, waxaana wararka ay heshay Caasimada Online sheegayaan in xilligaas uu guddoomiyuhu ka maqnaa gurigiisa islamarkaana aysan ciidamadu la kulmin wax raad ah oo la xiriira hawlgalkii ay u socdeen.

Xogta aan ka helnay deegaanka Gadoon oo 38 km dhinaca Bari uga beegan caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa intaas ku daraysa in sidoo kale ciidamadu ay galeen guri kale oo uu dagan yahay macallin leh dugsiyo qur’aan iyo iskuulo oo caan ka ah Gadoon kaas oo lagu magacaabo Macallin Bashiir Nuur Jaamac. 

Galmudug wax faahfaahin ah kama bixin weerarka xalay ay ku galeen guryo ku yaalla Gadoon laakiin qaar ka mid ah ehellada wadaadka la wareeraray oo ay la hadashay Caasimada Online ayaa sheegay in culimada ay loo soo far-muuqay arrin la xiriirta aano qabiil oo horey deegaanka uga dhacday laakiin xal laga gaaray.

Laba maalin kahor ayey aheyd markii ciidamada Galmudug ay isbital ku yaalla Gaalkacyo kala baxeen saraakiil ciidan oo ka tirsan Ahlu-Sunna oo ku dhaawacmay dagaalka Guriceel.