Warbixin: Maxaa ka socda Guriceel, halkeysa kala joogaan labada ciidan?

Guriceel (Caasimada Online)-Waxaa maanta Guriceel ka jirtay xaalad ka qabow tii ay ku jirtay seddaxdii maalmood ee  lasoo dhaafay oo dagaallo lagu hoobtay ay ku dhex-mareen ciidamada dowladda federaalka iyo kooxda hubeysan ee Ahlu-Sunna, mana jirto ilaa hadda cid si gaar ah u sheegan karta gacan ku heynta degmada Guriceel.

Ciidamada ayaa kala jooga goobihii ay xalay ku kala habeensadeen, kadib markii uu si iskiis ah u istaagay dagaal qaraar oo gelinkii dambe ee shalay qeybaha waqooyi ee magaalada ku dhex-maray labada ciidan, kaas oo Ahlu-Sunna looga qabsaday laba gaari oo tikniko ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online ciidamada dowladda ayaa maanta xiray wadooyinka Guriceel ka soo gala jihada waqooyi, halkaas oo la aaminsanyahay in gurmadka iyo saadka ciidanka loo soo marsiin jiray dagaalyahanada Ahlu-Sunna. Taas oo ka dhigan in kooxda hadda la go’doomiyey

Inkastoo aysan jirin wadahadallo rasmi ah oo la shaaciyey, hadana xogo hoose oo aan helnay waxay sheegayaan in ganacsato ku heyb ah Sheekh Shaakir ay wadaan dadaallo lagu hakinayo dagaalka oo lagu wadahadashiinayo dhinacyada is haya, gaar ahaan Qoor Qoor iyo hoggaanka Ahlu-Sunna.

Talaadadii maanta wax badan ayey dadka reer Guriceel uga duwaneyd seddaxdii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaa qeybo ka mid ah magaalada laga helay adeegyada Korontada iyo Biyaha oo ka maqnaa mudo seddax maalmood ah.

Dad u badan dhalinyaro oo ku go’doonsanaa xaafadaha kala duwan ee magaalada Guriceel oo dagaal adag marti gelisay maalmihii Sabtigii, Axadii iyo Isniintii shalay ayaa ka faa’iideystay adeegyadaas oo hawada ka maqnaa maalmihii dagaalku socday.

Haatan waxaa la kala joogaa goobihii hore, ciidanka Ahlu-Sunna ayaa difaac uga jira aagga Jaamacadda, Ceel Abshir, agagaarka Isbitaalka weyn ee Istarliin, waqooyiga xaafadda Tuulo-Gaban, wadada Gowd-Wiil ilaa Ceel-Cantoobo, dhamaan goobahaan ayaa dhaca waqooyiga iyo galbeedka waqooyi ee magaalada.

Ciidamada dowladda ayaa iyaguna jooga saldhigga booliska, xarunta degmada, dhismayaasha  Beder 1 iyo 2, Ceelka Shimbiro-Oonshe ilaa Ceel-Cali-Faarax, goobahaan ayaa dhaca bartamaha, koonfurta iyo bariga magaalada.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor-Qoor ayaa markii u horeysay maanta ka hadlay dagaalka Guriceel, isagoo sheegay in ‘koox ku been abuuranaysa magaca wanaagsan ee Ahlu-Sunna ay ka dambeyso dhibaatada ka taagan Guriceel’ isagoo wacad ku maray in waxa ay wadaan uusan aqbali doonin.

Sidoo kale Qoor Qoor waxa uu sheegay in 22 maalmood uu Ahlu-Sunna kula jiray wadahadal aan mirodhalin, balse hadda kadib aysan la geli doonin wadahadal dambe, isla markaana cudud ciidan ay Galmudug ku soo afjareyso kooxdaas.

Ahlu-Sunna oo dhankeeda maanta qoraal soo saartay ayaa AMISOM ku eedeysay inay qeyb ka tahay dagaalka Guriceel, waxay qoraalkooda ku soo dhaweeyeen qoraalkii lagu kala qeybsamay ee ku soo baxay shaabadda midowga musharaxiinta, waxayna beesha caalamka ka codsadeen in deg deg loo caawiyo dadkii ka barakacay magaalada Guriceel.