Rooble oo soo saaray dalab DEG-DEG ah oo la xiriira guddiyada doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta warbixin ka dhageystay Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka oo dhawaan soo saaray natiijo ku aadan xubnihii uu mucaaridka ka keenay cabashada.

Rooble ayaa faray guddiga in sida ugu dhaqsaha badan habraaca hubinta la marsiiyo xubnaha cusub ee ay soo magacaabeen dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka.

Sidoo kale waxa uu dalbaday in si deg-deg ah loogu soo gudbiyo xubnaha harsan ee doorashooyinka, kuwaasi oo ay weli so magacaabin qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo ah Gudoomiyaha Guddiga uu la kulmay Rooble oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay inta badan inay soo gudbiyeen maamuladu badalka xubnihii laga saaray liiska guddiyada doorashooyinka.

Sida uu sheegay Guddoomiyaha guddiga xaqiijinta xubnaha guddiyada doorashooyinka waxaa ilaa hadda dhiman oo aan weli soo gudbin xubnihii laga dalbaday inay badalaan hal maamul oo keliya.

Ra’iisal wasaaraha ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho, tan iyo markii magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiiska doorashada, waxaa’se ilaa hadda aan si rasmi ah u fulin kamid qeybo kamid ah heshiiskii oo ay ugu horeysay in guddiga doorashooyinka si dhaqso leh loo soo magacaabo.