Kheyre oo wajahaya eedeyn iyo cadaadis xooggan oo saameyn kara rajadiisa

Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, haddana ah musharax u taagan xilka madaxtinimo ee Soomaaliya. ayaa wajahaya eedeymo la xiriira inuu qeyb ka yahay mas’uuliyadda kiiska dhalinyaradii Soomaaaliyeed ee loo diray dalka Eretria.

Kheyre ayaa ahaa Ra’isul wasaaraha Soomaaliya xiliga askarta Soomaaliyeed loo daaabulayay Eritrea, kuwaas oo la qaaday saddex jeer oo kala duwan, islamarkaana illaa iyo hadda aan war iyo wacaal laga hayn xaaladdooda.

Tan iyo markii uu dhacay dagaalkii Dowladda Federalka Itoobiya ku qaaday qowmiyadda Tigray, waxaa soo shaac baxday warar sheeegaya inay ka qeyb qaateen askar Soomaaliyeed oo ka mid ah kuwa tababarka loogu qaaday Eritrea. 

Waxaa warkan sii xoojiyay qoraal kasoo baxay toddobaadkan ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha xuquuqul Insaanka oo cadeeyay ku lug lahaanshaha askar Soomaaliyeed dagaalkii ka dhacay Ethiopia, gaar ahaan magaalada Aksum ee gobolka Tigray.

Xasan Cali Kheyre ilaa hadda arrintan kama uusan hadlin waxaana uu ka gaabsaday codsiyo kala duwan oo loo diray si uu arrintan xaqiiqda uga sheego.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay iskala tirsan yihiin golaha midowga musharaxiinta ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta xilka heysay markii dhalinyaradan Soomaaliyeed loo daad gureynayay dalka Eritrea iney qataan doorkooda oo arrintan ay ka sheegaan wixii ay ka ogyihiin isagoo ula jeeda Ra’isul Wasaare Kheyre.

“Waxaan leeyahay dowladda iyo ragga siyaasiyiinta kuwa hadda jooga iyo kuwa barigii ay dhalinyarada baxeysay xilalka hayay, laakiin aan hadda xilka heynin intaba mas’uuliyad ayaa ka saaran, waa inay sheegaan xaalkooda, sababta ay u baxeen, meesha ay aadeen iyo tiradooda, waxa ay maanta ku sugan yihiin, hooyooyinka maalin kasta dariiqa taagan ee oynaya in ilmahooda xaalada ay ku sugan yihiin in loo sheego xaq ayay leeyihiin,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale Duqii hore ee Muqdisho Taabid Cabdi hadana ah Musharax madaxweyne ayaa isna ku baaqay in Kheyre arrintan wax laga weydiiyo maadama uu xiligaas ahaa mas’uulka ugu sareeya xukuumadiisa.

Waxaana uu Taabid ku yiri qoraal uu soo saaray “Mas’uuliyiinta ka hadlay dhallinyarada Eritrea tababar loogu qaaday oo aan raq iyo ruux toona la heynin. Waxaan oran lahaa baaritaan bulshada u furan “Public Enquiry” dhexdiina ka sameeya, maadama uu Midowga Musharrixiinta xubin idin kala yahay Raisulwaarihii hore oo xog ka bixin kara amuurtan, hoggaanna u ahaa hay’addii fulinta xilligaas. Ood dhacmeed sida ay u kala sareeyaan ayaa loo kala guraa.”

Sidan si lamid ah waalidiinta ay dhalinyaradaas ka maqan yihiin ayaa dalbaday in Ra’isul wasaarihii hore uu wax uga sheego halka ay ku dambeeyeen wiilashooda balse wali kama uusan hadlin, waxaana dhowr jeer ay ka dalbadeen dowladda Soomaaliya iney ka jawaabto baaqyadooda iyagoo dhowr jeer banaabax ka dhigay Muqdisho. 

Xaqiiqda ayaa ah in eedeyn kasta oo arrintan la xiriirta oo uu wajaho Farmaajo, sidoo kalena uu wajahayo Kheyre, mana jirto sabab loo kala saaro, oo midna loo eedeeyo midka kale kalena looga dhaafo. 

Marka la eego baaqyada kala duwan ee loo dirayo Kheyre waxaa muuqata in Kheyre uu wajahayo cadaadis xooggan iyo eedeymo saameyn ay ku yeelan doonto mustaqablkiisa madaxtinimo ee Soomaaliya, ayada oo ay suurta-gal tahay in qaar badan oo ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku geeriyoodeen gobolka Tigray.

Kheyre wuxuu haystaa fursad uu shacbiyad iyo taageero ku kasban karo, haddii uu sida dhabta ah uga hadlo arrintan, islamarkaana qaato mas’uuliyadda kaga aadan, sababtoo ah waa qofka kaliya ee maanta kusoo xiga Farmaajo ee sidaas sameyn kara.

By: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)
Abdiazizh99@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid