Rooble oo war cusub kasoo saaray doorashada Ceelwaaq

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa bogaadiyey dhameystirka doorashadii magaalada Ceelwaaq, halkaasi oo shalay iyo maanta lagu doortay 16 ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka. 

Rooble ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook ku yiri “Waxaan u hambaleynayaa Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, Guddiga Doorashada Jubaland iyo Dowlad-goboleedka Jubaland oo maanta soo gebogebeeyay doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu ahayd gobolka Gedo.”

“Hambalyo ayaan leeyahay xildhibaannada cusub ee la doortay, anigoo u rajeynaya in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday.” 

Doorashada Ceelwaaq ayaa waxaa ka hor-yimid madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo doorashadaas iyo tan Garbahaarey labaduba ku qeexay sharci-darro, inkasta oo la tuhunsan yahay inuu isaga gadaal ka riixayo tan Garbahaarey. 

Farmaajo ayaa qoraal uu shalay soo saaray ku yiri “Qof lagu soo doortay hannaan khilaafsan heshiisyada doorashooyinka iyo Xeerka Lam. 30 ma yeelan karo xuquuq lamid ah xildhibaannada lagu soo doortay hab waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar 2020.”

“Sidaas darteed, kama qeyb qaadan karo doorashooyinka Guddoonka iyo tan Madaxweynaha ayadoo aan la helin heshiis ay wadar-ogol u gaareen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar ama uusan soo saarin Barlamaanka 11aad sharci wax ka baddalaya xeerkii Barlamaanka labadaiisa aqal ay hore u ansixiyeen.” 

Dhinaca kale, Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Golaha Shacabka Mudane Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad, oo uu kala hadlay doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo heer gebogebo ah mareysa.

Xog lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Rooble uu sidoo kale guddoomiye Dhabancad ku cadaadiyey inuu aqbalo natiijada kuraasta lagu qabtay Magaalada Ceelwaaq kuwaas oo qaarkood maanta loo diiday inay ka qeyb galaan kulankii Baarlamaanka.

Sababta xildhibaanadaas loo diiday ayaa lagu sheegay in aysan sugin saddex maalmood kahor inta aanay qaadan shahaadada xildhibaannimo, taasi oo habraaca doorashada uu dhigayo.