Ruushka oo ku dhowaaqay isbeddel weyn oo ku yimid qorshihii dagaalka Ukraine

Moscow (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka Sergei Lavrov ayaa maanta sheegay in howlgalka militari ee Moscow ee Ukraine uu dhaafsiisnaan doono gobolka Bari ee Donbas, taasi oo caddeyn u ah inuu ballaaranayo dagaalka.

Wareysi uu siiyey Wakaaladda Wararka RIA Novosti, ayuu Levrov ku sheegay in xaqiiqooyinka Juqraafi ay isbeddeleen tan iyo markii Ruushka iyo Ukraine ay wada-hadallo ku yeesheen Turkey dabayaaqadii March, kuwaasi oo aan miro-dhalin.

Xilligaas, waxa uu sheegay, in diiradda ay aheyd gobollada Jamhuuriyadaha isku magacaabay ee Donetsk iyo Luhansk ee Bariga Ukraine, kuwaasi oo Moscow ay sheegtay inay ka sifeyneyso ciidamada Ukraine. 

“Hadda xaqiiqada juqraafi waa ka duwan tahay sidaas, wayna ka fogtahay Jamhuuriyadaha DPR iyo LPR, waxaa sidoo kale ku jira gobollada Kherson iyo Zaporizhzhia iyo tiro kale oo dhul ah,” ayuu yiri Levrov. 

“Hanaankan wuu socdaa, farsamo ahaan iyo joogteyn ahaan,” ayuu yiri, wuxuuna intaas ku daray in Russia laga yaabo inay ku siqdo dhul kale oo baaxad leh oo ka mid ah Ukraine. 

“Haddii Reer Galbeedka ay sii wadaan caradooda, oo ay damcaan inay xaaladda sii xumeeyaan ayaga oo hub ku guraya Ukraine, taasi waxay ka dhigan tahay in howlgalka militari uu dhaafi doono xariiqda iminka.”

Levrov waxa uu wacad ku maray in Russia aysan u ogolaan doonin madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ama cid kasta oo beddeshay inay dhulkeeda ama dhulka DPR ama LPR ku halis geliso gantaallada riddada dheer.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka ayaa ah shaqsigii ugu xilka sarreeyey ee si furan uga hadla qorshaha dhuleed ee Moscow ee duulaanka Ukraine, ku dhowaad shan bilood kadib markii Putin uu iclaamiyey dagaalka.

Putin wuxuu xilligaas sheegay inuu doonayo inuu Ukraine ka sifeeyo Naaziyiinta kana dhigo mid militariga ka caagan, taasi oo Reer Galbeedka ay ku qeexeen mid loogu qiil dayayo dagaal is-ballaarin.

Kadib markii looga adkaaday isku daygii qabsasho ee caasimadda Kyiv, wasaaradda difaaca Ruushka waxay 25-kii March ku dhowaaqay inuu soo dhammaaday wejigii koowaad ee “howlgalka militari ee gaarka ah, ayna diiradda saari doontoo “ ku guuleysashada hadafka ugu weyn ee ah xoreynta Donbas.”

Afar bilood kadib waxay la wareegtay Luhansk oo ah mid ka mid ah labada gobol ee Donbas ka kooban yahay, balse aad ayey uga fogtahay qabsashada gobolka kale oo ah Donetsk.