Ra’iisul Wasaare Xamza oo iclaamiyay DAGAAL culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa iclaamiyey guluf weyn oo dowladda ay ku qaadeyso kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee dagaalka kula jira.

Xamza oo hadalkan ku dhowaaqday isaga oo maanta shir-guddoomiyay kulan ku saabsan iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo uu la yeeshay xubno ka tirsan Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa sheegay in hawlgalka ka dhanka ah kooxahaas uu noqon doono mid xooggan oo dhammaystiran.

Waxa uu sheegay inay ujeeddadu tahay in la xajisto guulihii la gaaray, iyo in dib loo furo jidadka ay marayso sahayda, baabuurta ganacsiga iyo dadweynaha isku safraya.

Xamza ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay ka hortagaan ururada argagixisada, gaar ahaan Al-Shaab iyo Daacish oo sanadihii dambe falal argagixiso ka geysanyay dalka.

“Waxaa naga go’an in aan qaadno dagaal xoogan islamarkaana baahsan oo aanu kaga hortegayno Al-Shabaab, ISIS iyo ururada kale ee argagixisada anaga oo adeegsanayna hab milateri iyo habab aan milateri ahaynba,” ayuu yiri.

Xamza ayaa xusay in howl-galada wada-jirka ah ee ka dhanka argagixisada ay horseed u noqonayaan in dib loo furo waddooyinka muhiimka ah ee xiran iyo isku socodka dadka iyo ganacsiga.

“Sidaas darteed waxa aan jeclaan lahaa in aan hoosta ka xariiqo muhiimada ay leedahay in la ilaaliyo guulaha ka gaaray illaa hadda iyo in sidoo kalena la sii wado dardarta jirta, iyada oo la xoojinayo howl-gallada wada-jirka ah.”

Sidoo kale waxa uu sheegay ra’iisul wasaare Xamza in dib-habayn lagu samaynayo maaliyadda dalka, si looga hortago maal-gelinta argagaxisada.

“Si aan u helno farsamo iyo awood aan kaga hortagno maal-galinta argagixisada iyo in aan xadidno helitaankooda lacagaha, si taas lamid ah dowladdana waxaa ka go’an in aan sare u qaado wacyiga dadweynaha iyo abaabulka qeybaha kala duwan ee dadweynahay oo ay ku jiraan culimada, odayaasha dhaqanka, ganacsatada, haweenka iyo dhalinyarada si qolo walba ay intii karaankeeda ugu biiriso dadaalada aan ugu jirno ciribtirka argagixisanimada.”

“Far kali ah fool ma dhaqdo, haddii aan nahay walaalaha Afrika waa in aan midayna dadaalkeena si wada-jir ah uga hortagno halistan aan dal kaliya ku koobnayn ee argagixisada.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ra’iisul wasaaraha uga mahad-celiyey Midowga Afrika naf-hurnimada ay sameeyeen ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.