Sababta keentay in la xiro Ilhaan Cumar iyo waxa ay ka dhigan tahay (Fallanqeyn)

Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar iyo 16 xubnood oo kale oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa la xiray xilli ay Maxkamadda Sare ee Mareykanka ee Washington ka hordhigayeen dibadbax lagu taageerayey xuquuqda ay haweenka u leeyihiin inay ilmaha iska soo ridaan.

Aqoonyahan Maxamed Xuseen oo ka faallooda arrimaha siyaasadda iyo bulshada, deganna dalka Mareykanka oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in Xildhibaanada ay kamid tahay Ilhaan ee la xiray ay ka hor-yimaadeen digniinaha Booliska, kadib markii ay xireen isu-socodka baabuurta ee waddo muhiim ah.

“Booliska ayaa u sheegay oo dhowr mar ayaa loo digay oo la dhahay wadada ha xirina, wadadii ayaa xirmatay oo sidaas ayaa markii dambena wadada looga leexinayay, wax weyn ma aheyn,” ayuu yiri Aqoonyahan Maxamed Xuseen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Ilhaan iyo Xildhibaanada kale ee mudaharaadka dhigayay ay kasoo horjeedaan go’aanka maxkamadda ee ay dib uga laabatay sharci ahaanshiyaha in haweenku ay ilmaha iska soo ridi karaan haddii ay doonaan.

“Maxkamadda doodeeda marka fiiriso waxay ku saleysneyd waxan markii horeba kuma jirin Dastuurka dib ha loogu celiyo State-yada, oo ayaga ha ka gaaran go’aan. Midaas ayuu buuq badan ka dhashay iyo mudaharaadyo badan.”

Si kastaba, Dibadbaxa ayaa yimid saddex toddobaad kadib markii Maxkamadda Sare ay gaartay go’aan lagu baabi’iyey xukunkii 1973-kii ee taariikhiga ahaa ee loogu magac daray Roe v. Wade, kaasi oo haweenka u damaanad qaadayey inay ilmaha iska soo ridi karaan.

“Maanta waxaa la i xiray aniga oo saaxiibadeeda kale ee Congress-ka kala ka qeyb-qaadanaya gadood shacab oo aan kahor dhignay Maxkamadda Sare,” ayey Ilhan oo laga soo doorto Minnesota ku tiri qoraal ay soo dhigtay twitter-ka.

“Waxaan sii wadi doonaa wax kasta oo awooddeeda ah si aan u kiciyo dareenka ku aadan weerarka lagu hayo xuquuqdeena taranka,” ayey tiri Ilhan.

Muuqaallo laga soo duubay dibad-baxa ayaa sidoo kale muujiyey Ilhan iyo Alexandria Ocasio-Cortez oo lasii wado balse aan la jeebayn.

Ilhan Omar iyo xildhibaanada kale ayaa markii dambe lasii daayey.