Ruux Oxygen la’aan ugu dhintay Isbitalka Hargeysa

Hargeysa (Caasimad Online) ―  Isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaa waxa maalmo yar ka hor ugu geeriyooday Oxygen la’aan Wiil yar oo kamid ahaa Bukaanka ku jiray isbitaalkaasi, sida uu inoo sheegay Aabaha dhalay wiilka geeriyooday.

Aabaha dhalay Wiilka ku geeriyooday Isbitaalka guud ee Hargeysa, ayaa sheegay in Wiilkiisu u geeriyooday Oxygen la’aan baahsan oo uu kala kulmay Isbitaalkaasi Hargeysa, xili uu xaalad caafimaad daro Wiilkiisu ugu jiray Isbitaalkaasi.

Waxa sidoo kale uu Aabahaasi sheegay in markii uu Isbitaalka ka waayay Oxygen uu raadco tagay, midaasi oo sababtay dhimashada Wiilkiisa ku jiray Isbitaalkasi Hargeysa, wuxuuna yiri isagoo ka warbixinaya sidey wax u dhaceen:

“Wiil aan dhalay Allaha u naxariiste oo xaalad caafimaad daro u geeyay Isbitaalka, waxaana dhigay qeybta Emergency, Waxayna ii sheegen in uu yarku fiican yahay markii ay eegeen, wuxuuna igu yiri ilaa berri subaxa inuu ka soo roonaado ayaa rajeynaynaa laakiin waxa loo baahan yahay saddex haamood oo Oxygen ah, Afartii saacba hal haan ah ayuu u baahan-yahay, Isbitaalkana ma jirto wax Oxygen ah”

“Wuxuuna igu yidhi ‘waxaad ka heli kartaa Isbitaalada bareefadka ah’, muddo ayeyna igu qaadatay raadinta goobahaasi, markii aan helayna waxay iisheegen inay siin karin Oxygen qof ku jira Isbitaalka guud, balse ay iigu shubi karaan hadaan soo qaato ‘Haan’. Kadib Isbitaalkii ayaan ku laabtay waxayna yidhaahdeen ma hayno mid faaruq ah”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Goor sagaalkii ah ban soo helay Oxygen-tii waxana keenay isagoo Wiilkeygu naftii ka baxday ilaahay ha u naxariistee. Waana nasiib daro in isbitaalka Hargeysa oo hore Oxygen-ta ugu qeybin jiray Isbitaalada uu maanta bilaa Oxygen ahaado”.

“Waxqabadka aan ku faaneyno kow aan ka dhigno adeega Caafimaadka. Xukuumadana waxan u soo jeedin lahaa in howshaa culeys xoogan iska saarto. Raad weyn ayuuna kaga tagay dareenkaygii sanadkaasi dhamadka ah”.

Isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa oo ay gacanta ku hayso Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi, gaar ahaan Wasaarada Caafimaadku ayaa waxa muddooyinkii dambe laga deyrinayey tayada adeegyada caafimaad ee uu bixiyo, xili Miisaaniyada xukuumada Somaliland loogu daray lacago badan oo kaabis ah.