Madasha Xisbiyada Qaran: Laba ujeedo ayaa laga lahaa qoraalkii NISA ee qaraxa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay uga hadashay qoraalkii ay NISA soo dhigtay barta twitter-ka 30-kii December, kaasi oo lagu sheegay in dal shisheeye “uu lahaa qorshaha” weerarkii Ex-Control Afgooye.

War-saxaafadeedka Madasha ayaa lagu sheegay inay ka xun tahay qoraalka NISA, oo ay ku sheegtay in ujeedkiisu ahaa “in lagu daboolo xaqiiqda weerarka.”

Madasha ayaa sheegtay in qoraalkii NISA laga lahaa laba ujeedo oo kala ah:

1 – Tan koowaad, in lagu farxad geliyo dhinacyo shisheeye oo ku lug leh loolanka juqraafi siyaasadeed ee ka socda Soomaaliya. Madasha ma aysan magacaabin dhinacyadaas.

2 – Tan labaad, in si qiyaano ay ku dheehan tahay loogu niyad dejiyo carrada shacabka Soomaaliyeed ay ka qaadeen dhimashada, dhaawaca iyo burburka ka dhashay “fashilka hay’adda ee ah inay ururiso macluumaad sirdoon oo ka hortagi karay weerarkaas.

Qoraalka Madasha ayaa lagu yiri “Labadaas ujeedada waa kuwo xaqiiqdii ah ceeb.”

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa muujisay “inay tahay niyadxumi iyo sharci-darro akhbaarta aan dhameystirneyn ee NISA ee looga dan leeyahay in mas’uuliyadda weerarka looga qaado kuwii weerarka gaystay ee sida cad u sheegtay.”

Madasha ayaa ugu dambeyn ugu baaqday Wasaaradda Amniga iyo Hay’adaha Amniga inay “ka fogaadaan baahinta warar marin habaabin ah iyo abuurista cadow aan jirin oo lagu hurdisiiyo qaranka mar kasta oo ay dhacdo dhibaato weyn  oo u baahan isla xisaabtan siyaasadeed iyo mid farsamo.”

Hoos ka aqriso qoraalka Madasha Xisbiyada Qaran oo ku qoran English