Yaa fududeeyey heshiiska ay wada gaareen Kornayl Caarre iyo maamulka Biixi?

Ceerigaabo (Caasimadda Online) – Korneyl Siciid Jaamac Caare oo hoggaaminayey Jabhad dagaal kula jirta Soomalailand ayaa ogolaaday heshiis uu la galo Soomaaliland, kadib markii soo jeedin ay uga timid Xukuumadda Soomaaliland iyo Odayaasha Dhaqanka Beeshiisa.

Ergo ka kala socotay Xukuumadda Somaliland iyo Beeshiisa ayaa wadey wada-hadallo lagu xalinyaayey labada dhinac,iyaga oo ku guuleystay inay Ciidamada Caare kasoo saaraan Buurihii ay ku jireen ee ku yaalla duleedka Magaalada Ceerigaabo.

Sidoo kale wararka soo baxaya qodobadii lagu hehsiiyey ayaa waxaa ay sheegayaan inay kamid yihiin in Caare uu ogolaadey in uu aado dalka dibadiisa, sidoo kale la siiyo lacag laga soo qaaday Xukuumadda Somaliland taas oo dhan 300,00 oo Dollar.

Ciidamada korneyl Caarre ayaa wararku sheegayaan in qaarkood dib loogu celiyay Ciidanka Somaliland halka kuwo kalena ay wali Odayaasha degaanka ka shaqeynayaan.

Jabhadda Korneyl Caare ayaa waxaa ay Saldhigyo ku leeyihiin deegaano ka tirsan Waqooyiga Gobolka Sanaag, iyaga oo dhowr mar weeraro ku qaadey Xarumo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Soomaaliland.

Mararbadan ayaa lagu guul daraysatay in heshiis la dhexdhigo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Taliyaha Jabhada Dulmidiid Col,Caare oo ka dagaalama Gobolka Sanaag oo ay ku maransanyihiin Somaliland iyo Puntland.