24.4 C
Mogadishu
Saturday, July 12, 2025

R/W Cabdi Weli oo kulan deg deg ah la qaatay golaha wasiirada, kadib marki…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdishio(Caasimada Online )- Xukuumada Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay si kulul kaga hadashay dagaalada ka dhacaya deegaano hoostaga degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kaasi oo u dhaxeeyo labo maleeshiyaad oo halkaasi wada daga.

Arinta ayaa ka dambeeyay kadib markii uu si deg deg ah ula kulmay gudiyada amniga iyo siyaasada ee wasiirada xukuumada Soomaaliya, wuxuuna ku cambaareeyay dagaalka ka dhacaya duleedka magaalada Beledweyne.

Kulankaasi ayaa waxaa sidoo kale kasoo baxay in wafdi ka socda dowlada Soomaaliya loo diro deegaanada ay dagaalada ka dhaceen si xal buuxa looga gaaro dagaalada ka dhacaya gobolkaasi.

“Waxaa runtii dhammaanteen aad noo damaqday inaan maqalno dagaalka dhiiggu ku daatay ee dhex maray beelaha walaalaha ah ee ku nool gobolka Hiiraan. Waxaan maanta la kulmay Guddiyada Golaha Wasiirrada ee Siyaasadda iyo Amniga Qaranka waxaanan isku raacnay inaan wafdi heer wasiirro ah u dirno deegaanka si ay u fududeeyaan wada-hadalka iyo nabadeeynta.

“Waxaan ugu baaqayaa walaalaheenna ku sugan Hiiraan inay dhab uga fekeraan dhibaatada ay leedahay in la door bido in dagaal lagu xalliyo khilaafka. Sida kaliya ee lagu xallin karo khilaafka ka jira deegaanka waa wada-xaajood, waxaanan xasuusineeynaa in dagaal naf lagu waayo uusan marnaba xal noqoneeyn.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in labada dhinac looga baahan yahay inay joojiyaan colaada ka soo cusboonaatay deegaanka hoostaga magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

- Advertisement -

Read more

Local News