“Maxaa isku soo beegey magacaabista Cumar C/rashiid & qoraalka Xasan uu u gudbiyey QM ee badda Somalia” (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Dhawaan Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud 30-kii June ee Sannadkaan 2014 uu Qaramada Midoobey u Gudbiyey Qoraal uu ku dalbanayo in laga wada hadli karo Badda Soomaalida (gaar ahaan Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya) ayaa warar aan hellney waxay sheegayaan in Madaxweynaha uu Bisha soo socota ee Agoosto uu ku Wajahan yahay dalka Mareykanka.

Wararka ka imaanya Dalka Mareykana waxay sheegayaan in Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Dalkaasi ay wadaan Abaabulka Mudaaharaada looga soo horjeedo Madaxweyne Xasan Shiikh ka dib markii uu soo if baxay Qoraalka loo Gudbiyey Qaramada Midobey ee badda soomaaliya.

Muumin Giriig oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo u waramayey Idaacada SKY ee Magaalada Mudisho ayaa u soo jeediyey Shacabka Soomaalieyed in ay ka dhiidhiyaan Qoraalka Madaxweyanaha ee uu u direy Qaramada Midoobey ee la doonayo in qayb ka mid Bada Soomaaliya la qaato waxaa uu sii raaciyey “ Maxaa isku soo beegey in Qoraalkaan loo Gudbiyey Qaramada Midoobey iyo Magacaabista Safiirka Mareykanka ee Cumar Cabdrashiid oo uu sheegey in uu ahaa Raiisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ee Muran geliyey Badda Soomaaliya

“ Waa yaabee Maxaa mar waliba soo celceliya in Muran la geliyo Badda Soomaaliya sow tii mar hore Baarlamaanka Soomaaliya uu Go’aan Cad ka gaarey” ayuu yiri Muumin Gariig oo ugu Baaqey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya In ay is hortaagin Damaca Waalan ee la doonayo in lagu boobo Khayraadka ka buuxa Badda Soomaalliya sidoo kale waxaa uu u soo jeediyey bahda Warbaahinta in ay Bulshada u iftiimiyaan Raga Doonaya in ay Bada Soomaaliya u Gacan geliyaan Dowlado Shisheeye.

Halkan ka akhri warqadii madaxweynaha DFS u gudbiyey UN.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk