C/Weli oo taageeray qorshaha Shariif Xasan isagoo amar siiyay AMISOM

Muqdisho (Caasimada Online) – War-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in uu ra’iisal wasaaraha cambaareenaayo rabshadaha ka taagan magaalada Beydhabo, halkaasoo ay ka socdaan shirar iska soo horjeeda.

Ra’iisal wasaaraha ayaa si cad ah u amaray ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay in badbaadiyaan wafdiga Shariif Xasan uu hoggaaminaayo ee gaaray Beydhabo, islama karaana wasaaraddaha arrimaha gudaha iyo amniga laga doonayo inay sugaan ammaanka odayasha ku howlan dhismaha maamulka seddaxda gobal.

Warka qoraalka ah ee ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha waxaa kaloo lagu sheegay in dhawaan la qaban doono shirweyn lagu dhisaayo maamul seddax gobal ka kooban.

Wuxuu dhinaca isku haya Beydhabo ugu baaqay in ay joojiyaan wax kasta oo keeni kara gacan ka hadal iyo iska hor imaad ka dhacay magaalada.

Hadalka ra’iisal wasaaraha ayaa laga dheehan karaa in dowladda ay taageersan tahay qorshaha uu wato Shariif Xasan Sheekh Aadan ee in la dhiso maamul kooban seddax gobal oo kala Baay, Bakool iyo Shabeelllaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com