Maxaa ka cusub magaalada Kismaayo kadib dilkii ugaaska caanka ahaa?

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in halkaas xaley laga sameeyay howgallo dad badan lagu soo qab qabtay.

Howgalka ayaa daba socda dilka kooxo ku hubeysan bastoolado ay shaley ugu geesteen nabaddoon caan ka ahaa magaalada Kismaayo.

Nabaddoon Xuseen Xaafow, ayaa ahaa ugaaska Beesha Cawramale.

Wariye ka tirsan Caasimada Online, oo ku sugan Kismaayo ayaa soo sheegay in uu arkay dad  aad u fara badan oo ay ku jiraan dhallinyaro.

Waxaa kaloo la lee yahay howgalka waxaa lagu soo qabtay labo nin oo la sheegay in ay wateen bastoolado kuwaasoo looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen dilka Nabaddoon Xuseen Xaafow.

Intii howgalka socday waxaa istaagay oo la xiray goobaha ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gaadidka gudaha magaalada.

Ma jirto ilaa hadda cid ka hadashay dilka nabaddoonka, balse dilkiisa waxa aad uga naxay odayaasha dhaqan ee Jubbooyinka, kuwaasoo sheegay in uu nabaddoonka ahaa qof aad u cibaado badan oo aan wax siyaasad ah ku dhex jirin.

Wuxuu ugu dambeeyay dilka nabaddoonka dilal dhowr ah oo ka dhacay magaalada, waxaa ka horreeyay oo toddobaadkii horre magaalada lagu dilay nin farsamo yaqaan korantada ahaa, waxaa kaloo jirra dad kale oo lagu dilay magaalada.

Ma cadda kooxda dilalka ka geesata magaalada Kismaayo balse dad deeganka waxa ay lee yihiin waxaa qaar badan fuliya rag xiriir la leh maamulka Axmed Madoobe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com