Khasaare ka dhashay madaafiic lagu garaacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta la ogyahay afar qof ayaa ku dhaawacmay madaafiic xaley saqdii dhexe lagu gaaray qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Caasimada Online, in madaafiicda ay ku dhaceen xaafado ku dhow xaruta Villa Beydhabo ee degmada Wadajir halkaasoo ah xarunta ugu weyn ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dadka dhaawacmay oo dhammaan ah rayid ayaa madaafiicda ay ugu tageen guryahooda sidda uu sheegay goobjooge ku dhaqan xaafada Buuloxuubeey.

Wuxuu sheegay in xaley saqdii dhexe ay maqleen madaafiic xooggan oo ku soo dhaceysa xaafadooda oo u dhow xarunta Villa Beydhabo.

“Dadkii hurdaayay ayaa hal mar salalay markii ay maqleen dhowr madfac oo ku soo dhacaya xaafadooda, waxaana qof kasta uu cararay dhismooyinka shubka” ayuu yiri goobjoogaha noo warramay.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa saakay deggan, waxaana shaqeenaya goobaha ganacsiga iyo waxbarashada sidoo kale waxaa shaqeenaya oo caddi isku socodka dadka iyo gaadidka degmada Wadajir.

Waa habeenkii labaad oo magaalada Muqdisho laga maqlo madaafiic, saraakiisha ciidamada dowladda ayaa markasta ku tilmaama madaafiicdaas in ay yihiin kuwa macmal ah loogana gun lee yahay in lagu khalkhaliyo ammaanka caasimada.

 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com