Dumarka iyo Dalka: Kacdoonka cusub ee Haweenka maxaa lagu xaqiijinayaa?

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Is-bedelka siyaasada & dowr-ka haweenka

Tan iyo markii ay dhalatay ‘Soomaaliyada cusub’ oo aan uga jeedo isbeddelka siyaasadeed ee Dalka ka dhacay, kaas oo ka billowday doorashada golaha Shacabka Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaamka federaalka bishii Agoosto 2012. Haddaba, golaha wakiillada shacabka soomaaliyeed (Baarlamaanka) sidaan sheegnay waxuu ku dhisanyahay nidaamka federaalka; nidaamkan oo ah mid ku qeexan Dastuurka dalka ee qabyada ah (wali ma dhamaystirna). Waxaa kaloo Dastuurka ku qeexan, in Qur’aanka kariimka ah iyo sunnada Nabi Muxammed (SCW) ay saldhig u yihiin Dastuurka, isla markaasna uu ilaalinayo ujeeddooyinka shareecada iyo caddaalada bulshada (Dastuurka, qodobka 3aad, farqadda 1aad). Isla qodobkan, Faqradiisa 5-aad waxa uu dhigayaa “Haweenku waa in ay ka mid noqdaan dhammaan hay’adaha guud ee qaranka, si wax-ku-ool ah, gaar ahaan jagooyinka la isu doorto iyo kuwa la isu magacaabo ee saddexda laamood ee Dawladda iyo Guddiyada Madaxbannaan ee Qaranka”. Haddaba, waa dhaqan-gelinta qodobkan (implementation) ujeeddada igu dhalisay in aan qormadan qoro lana wadaago shacabka soomaaliyeed gudo iyo dibedba, gaar ahaan Haweenka soomaaliyeed maadama ay yihiin bartilmaameedka qodobkan, si aan u helno aragti iswaydeersi iyo isfahan dhanka habka loo dhaqan-gelinayo ka-qayb-qaadashada Haweenka ee siyaasada iyo talada Dalka.

Sida aan kor ku xusay qormadan dhexdeeda kama hadlayno ujeeddadeenuna maaha, Dumarku miis aan kan kushiinka ahayn (madbaqa) ma fariisan karaan, kaalin maku leeyihiin Bulshada iyo dhismaha iyo horumarinta wadanka, jagooyin iyo xilal ma qaban karaan iwm. Laakiin meesha aan doonayo in aan yare iftiimiyo, iskana tusaalayno waxa weeye, qaybta danbe ee qodobka oo aad mooddo in si gaar ah la rabo in ay Haweenku uga soo muuqdaan saddexda laamood ee Dowladda ugu sareeya (golaha shacabka, xukumadda iyo Garsoorka). Golaha shacabka markii la xulayey, waxaa la yiri Haweenku waa in ay yeeshaan kuraasta 30 %. Waaba laysku dayey sida aan la wada soconno in beelaha iyo qabiilada soomaaliyeed ee ku heshiiyey heshiish-Bulsheedka qabyada ah (Dastuurka) in ay Dumar matala keenaan bedelkii ay nin keeni lahaayeen si loo helo tirida laynoo gooyey (UN Resolution 1325) ee ah 30 % kuraasta in ay Dumarku ku fadhiistaan, laakiin helidda tiridaas Dumarka ah maysan hirgelin sababo dhaqanka soomaaliyeed la xiriira awgeed. Intiise Illaah u qaddaray in ay ka mid noqdaan golaha shacabka waa ay galeen (30-35 dumar ah oo u dhiganta 15%). Waxii intaas ka danbeeyey waxa aad mooddaa Haweenka soomaaliyeed gudo iyo dibedba (inta matalaysa ama rabta in ay matasho Haweenka) in ay si gaar ah u bartilmaamsanayaan ama diiradda u saarayaan in ay xaquuq Haweenka soomaaliyeed ka maqantahay maadama ay yar tahay tirada Dumarka ee ku jira laamaha Dowladda aan soo sheegnay, sidaas daraadeedna la badiyo tirada Haweenka ku jira laamaha Dowladda ugu sareeya si loo helo sinnaan iyo cadaalad ragga iyo Dumarka ah. Haddaba, mashruuca xaquuq raadinta haweenka oo ah fikrad ama mashruuc Wadamada Galbeed inooga yimi (dib baan uga soo noqon doonaa), waxaa mudan in aan ka Bulsho ahaan iyo gaar ahaan dumar ahaanba, in aan iswaydiino suaalo aas-aasiya, sida  sinaanta iyo caddaalada ragga iyo dumarka malagu gaadhayaa tirada kuraasta Baarlamaanka oo si siman loo qaybiyo? Haddiise aysan waligeed ruux haween ah Baarlamaanka soomaaliyeed ka mid noqonin xaquuqda haweenku waayayo ee gabadha soomaaliyeed ka dayacmaysa maxay tahay ee qasabka kaga dhigaysa in ay miiska tagto si ay xaqeeda u soo dhacsato?  Haddiise aysan Baarlamaanka Dumarku u galaynin in ay xaq helaan dhanka sharciga, maxay tahay ahmiyada iyo yoolka dumarku leeyahay ee la rabo in lagu xaqiijiyo ‘Mashruuca Haweenka’ ee golaha sharci dejinta?

Mashruuca Haweenka

Taariikhda iyo soo-yaalka haddaan yare milicsano, Mashruuca Haweenka ee ah in ay Dumarku ka qayb-qaataan ama saami ka helaan siyaasadda iyo talada wadanka si ay xaquuqdooda dumarnimo iyo bili’aadanimo u helaan waa fikrad Galbeedi ah, oo wadamada Galbeedka oo uu ugu horreeyo Maraykanku ka timi, sal iyo raadna ku lahayn shareecada Islaamka.

Dumarka aan muslimiinta ahayn ee ku nool caalamka daafihiisa ee waliba qaarkood ku dhexnoolaayeen xadaarado quwad iyo awood leh sida Giriiga (Greece), Rooma (Rome), Hindiya (India) iyo Shiinaha (China), Ingiriiska (the British empire) iyo Maraykanka (USA) xaquuqda ay leeyihiin ama ay maanta haystaan waxay jirtaa 200-250 sano. Markii ugu horreeysay ee caalamka aan islaamka ahayn uu iswaydiiyo dumarku xaquuq ma leeyihiin iyo dumarka xaqooda hala siiyo waxay ahayd qarnigii 18aad dhamaadkiisii (laga bilaabo 1770-kii) iyo bilowgii qarnigii 19-aad. Waxii intan ka horreeyey, dumarka caalamka aan soo sheegnay ku nool, maysan lahayn wax xaquuq sharci ah haba yaraatee. Buugaagta taariikhda ee wakhtigan madaw ka sheekaysaa, waxay qoraan ama isticmaalaan erayo ah in dumarku ka liiteen caruurta dhanka xaquuqda ama ay addoomo ahaayeen.

Wakhtigan gabadha Galbeediga ah, waxay ahayd addoon u xidhan ninka aan sinaba uga madax banaanayn; guurka ka hor waxay addoon u ahayd aabbaheed oo xaquuqdeeda oo dhan gacanta ku hayey. Guurka ka hor waxuu aabbaheed xaq u lahaa in uu iibin karo gabadhiisa, in uu ninkuu rabo siin karo iyadoo aan la tixgelinayn rabitaankeeda. Sidoo kale gabadhu maysan geli karin balan ama cahdi (agreement/contract) maragana maysan furi karin. Guurka kadib waxay sidoo kale gacanta ugu jirtay ninkeeda; waxuu ninku la wareegayey 1) maalkeeda (xittaa mid ay tabcatay guurka ka hor), waxaana sharcigu xaq u siinayey in uu siduu doono ka yeelo maalkaas isaga oon iyada talo galinayn. Shayga kaliya uusan si buuxda u maamulayn ninku, waxuu ahaa hantida ma guurtada ah; tusaale haddii gabadha uu aabbaheed siiyey guri ama beer iwm. ninku xaq uma uusan lahayn in uu iibiyo maadama ay tahay hantida nin kale (maaha in ay iyadu leedahay) laakiin in uu kireeyo ama si kale u isticmaalo si buuxda buu sharcigu ugu ogolaa. 2) waxaa ninka ku wareegayey magaceeda oo looma ogolayn in ay magaca aabbaheed haysato (ee ay ku abtirsato) balse waa in ay qaadato magaca ninkeeda (abtirsigiisa). 3) hadduu furriin yimaaddo, carruurta ninka ayaa toos ula wareegi jiray, hooyadu xaq maysan lahayn. Sharciyahankii qarnigii 18-aad ee William Blackstone, buuggiisa Commentaries on English Law sidan ayuu u qeexayaa xaquuq-darrada loo gaysto gabadha la qabo:

By marriage, the husband and wife are one person in the law: that is, the very being or legal existence of the woman is suspended during the marriage, or at least is incorporated and consolidated into that of the husband: under whose wing, protection, and cover, she performs every thing”.

Dhanka kaalinta Bulshada ee Haweenka:

  • Dumarku maysan codayn karayn (iskaba daa in la doortee). Sababta ka danbaysayna waxay ahayd in haddii gabadhu codayso ay la mid ahayd ninka oo codeeyey (maadama ninka iyo xaaskiisu hal qof isla ahaayeen sharciga hortiisa), sidaas daraadeed baa loo diiday in dumarku codayn karaan (si uusan ninku labo cod u yeelan).
  • Maysan qaban karayn jago ama xafiis (nooc iyo heer kastuu yahay ama dowlad ama shacab)
  • Ciidamada kama aysan mid noqon karin

Haddaba, dumarkii xaquuq la’aanta heerkan ka gaaray ee la dulmiyey, waxay bilaabeen in ay iyagu kacaan oo ay xaqooda soo dhacsadaan. Sida taariikhaha reer Galbeed qoraan gabadhii ugu horaysay ee u istaaqtay xaquuqda sharciga ah ee dumarka ka maqan waxay ahayd xaaskii madaxweynihii labaad (John Adams) ee Maraykanka, Abigail Smith Adams. Waxbarsho maysan lahayn, oo taas dumarka wakhtigaas bay kala sinayd, laakiin wax bay akhrin jirtay, waxayna ahayd hooyo lix caruur ah korinaysa isla markaasna waxay ahayd la taliyaha koobaad ee ninkeeda. Fursaddan iyadoo ka faa’idaysanaysa waxay ninkeeda iyo raggii Congress-ka u qortay waraaq (177-6kii) caan ku noqotay taariikhda adduunka, waraaqda cinwaankeedu waxuu ahaa Xasuusta dumarka (Remember the ladies) oo awoodda sharciyeed ee intaas le’eg gacanta hawgalinina ragga oo kaliya. Waxii intaan ka danbeeyey waxaa billowday halgan ay haweenku u halgamayaan xaquuqdooda maqan. 72 sano kadib markii waraaqddan ay Abigail Adams qortay, ayaa waxaa (dumarka) u hirgalay shirkii ugu horreeyey ee la qabto oo looga hadlayey xaquuqda dumarka, iyadoo ay qabanqaabiyeen labada haween ee kala ah Elizabeth Cady Stanton iyo Lucretia Mott bishii july 1848, waxuuna ka dhacay Seneca Falls, New York. Shirkan oo la magac baxay ‘Seneca Falls Convention’ waxuu noqday meesha uu si rasmi ah uga billowday mashruuca xaquuq raadinta ee haweenka (Women’s right’s movement), isla markaasna waxaa dhacday, waxay maalinba heer joogtaba, in haweenka caalamka aan islaamka ahayn xaquuqdoodii helaan sharciga ahayd (sharciyadii ugu horreeyey ee hirgalay waxaa ka mid ahaa sharcigii loo yaqaanay married women’s property act 1882-kii) – taas macnaheeda maaha in ay dumarku waaqicanna ku heleen xaquuqdooda iyo caddaalada ay halganka u galeen. Sidaas daraadeed ayaan jeclaan lahaa in Haweenka soomaaliyeed ee aad moodo in ay ku dayanayaan mashruucan aan ka soo sheekaynay iyo ragga garabka siinayaba, in ay ogaadaan marka waddamada reer galbeed ay ka hadlayaan ‘xaquuqda dumarka’ waxaa laga hadlayyaa xaquuq sharci ah; Sharcigu maxuu xaq u siinayaa haweenayda?

Haddaba, su’aasha aan rabo in haweenku iswaydiiyo waxay tahay; gabadha muslimadda ah ee soomaaliyeed ma u baahantahay in ay geedigan dheer gasho si ay u yeelato xaquuq sharci ah iyadoo haysata kitaabka Qur’aanka iyo sunnada Nabi Muxammed (SCW) oo haysata xaquuq sharci ah tii ugu sarraysay uguna horraysay (taariikhda adduunka), Dastuurka Dalkuna yahay meeshuu hoos imaanayey?

Waxaa soo badatay baryahan danbe mashruucyo badan oo ku wajahan dumarka soomaaliiyeed oo la leeyahay dumarka hala xoojiyo ama ‘empowerment’ halagu sameeyo oo kor ha loo soo qaado si ay bulshada safka hore uga galaan iyadoo ay galbeedku dabada ka riixayaan dhaqaalena ku bixinayaan, waxaa warbaahinta ku badan shirarka jaraa’id ee dumarku (waliba hooyooyin iyo intii waawaynayd ah) ay qabanayaan iyagoo leh waan dulmannahay iyo xaqeenii nalama siin.

Waxaan Bulshadayda soomaaliyeed ugu baaqayaa, gaar ahaan ragga iyo haweenka u durbaan tumaya mashruucan haweenka, in haweenka, oo waligood lafdhabar u ahaa Bulshada soomaaliyeed, aan la Jahwareerin afkaar lid ku ahna diinteena iyo dhaqankeena aan lagu furin, sababtoo ah taa dhaxalkeedu waxuu noqon doonaa bulshada oo si run ah jidka uga leexata; Bulshada la damco in lala wareego dhanka dumarka baa laga galaa. Galbeedku haweenayda wuu mashquuliyey oo waxuu ku mashquuliyey xaquuqdeeda iyo in ay bulshada wax ka goosato oo ay dumarku ragga iska dhiciyaan, la tartamaan lana xifaal tamaan. Si kale haddaan u dhigo, reer Galbeedku markii hore Haweenka xaquuqdoodii buu ka dulmiyey, markii danbena xaquuqdoodii bay ku dulmiyeen cirdigoodii iyo sharaftoodiina way ku xadgudbeen, oo gabadhii waxay noqotay maado la adeegsado oo dan lagu gaaro (akhri buugga Masculine Domination ee uu qoray Pierre Bourdieu). Laakiin Diinteena macaan gabadhu xaquuq buuxda bay leedahay oon illaa maalinta qiyaame is beddeli doonin oon ragna siinin dumarna siinin (gabadha reer galbeed xaqeeda dumar baa u halgamay sidaas daraadeed waa xaquuq sharci uu bashar sameeyey dhibteeda iyo dheefteedana leh). Sidaas daraadeed ragga iyo dumarka muslimiinta ah tartan iyo iska dhicin midba kan kale iska dhicinayo kama dhaxeeyaan; mid walba xaquuq, waajibaad iyo boos buu leeyahay ay tahay in uu ka soo baxo. Isla markaasna garab iyo gaashaan bay isu yihiin oo bulshadooda bay ugu shaqeeyaan cilmigooda, caqligooda, xoogooda iyo maalkooda. Haddaba wakhtigan la joogo Bulshada soomaaliyeed uma baahna in Haweenka soomaaliyeed ku mashquulaan la tartanka ragga, balse waxaan u baahannahay in dumarku kaalintooda ka qaataan hagaajinta iyo islaaxinta bulshada soomaaliyeed ee dhan walba ka burburtay. Haweenku waa in ay hamigooda ka dhigaan, sidee Qoyska soomaaliyeed ee maanta burbursan loo hagaajiyaa, sidee caruurta loo tarbiyadeeyaa si loo helo shaqsigii ay Bulshadu beri ku tiirsan lahayd mustaqbalkana u noqon lahaa, sidee Af-ka Hooyo loo badbaadiyaa loona tayeeyaa, sidee Bulshada laysugu xidhaa ku kala qoqoban Qabiil, Mad’hab Diineed ama Gobol iyagoo ka faa’idaysanaya quwadooda in ay Bulshada 50 % yihiin isla markaasna qaybta kale tahay mid dhalay, mid ay u dhaxday iyo mid ay dhashay. Dumarka soomaaliyeed waa in aysan ku xisaabtamin imisa kursi baa Baarlamaanka Haween ah iyo imisa Haween baa wasiiro ah, balse waa in ay ku xisaabtamaan imisa Haween baa Aqoon-yahano ah cilmiga laga qaato, imisa buugaag ah ayeey Haween soomaaliyeed qoreen iyo isla markaas imisa Haween oo soomaaliyeed ayaa taariikh-dooda iyo wax-tarkooda la Diiwaan-geliyey oo buugaag lagu qoray.

Waxaa cajiib ah, in dumarka ‘mashruuca haweenka’ aaminsan ay leeyihiin aragti ah ‘dumarku qayb kama ahayn burburkii soomaaliya’ oo dhibka oo dhan ragga buu dushooda yahay, sidaas daraadeedna waa in ay dumarku helaan safafka hore ee siyaasada. Haddii aan xaqiiqda u noqono, oo malo awaalka iyo af-gobaadsiga meel iska dhigno, waxaa xaqiiqo ah in dumarku qaybtooda lahaayeen burburka wadanka iyo bulshada ku dhacay – oo ‘ragga wadanka burburiyey’ waxuu lahaa hooyooyin, xaasas, walaalo, habaryarooyin, eedooyin iwm. Haddii dumarkeenu dabadda ka yahay dhibkii dhacay waxaan aaminsanahay burburka baahsan ee bulshadeena ku dhacay in uusan heerkan gaareen.

Waxaa kaloo kooxdan ku doodaan in ‘dumarka soomaaliyeed midaysan yahay oo isku duubanyahay ragguna is khilaafsanyahay’. Anigu haween baan ahay, bulshada baan ku dhex jiraa, dadkana waa la sheekaystaa, ma arag dumar soomaaliyeed oo midaysan ama midoobi kara – beddelka taas waxaan arkaa dumar koox koox(diineed ama siyaasadeed) iyo qabiil qabiil u wada socda, dumar is-haysta oo khilaafkooda iyo in la dhex-galo ay aad u badantahay sida uu tilmaamay nin culimada ka mida “dumar markaad aragtit wax uun baa ka dhexeeya”.

Gunaanad

Haddii aan soo gunaanado dulucda iyo nuxurka qormadan, waxa ay noqonaysaa in aan uga baaqayo bulshada soomaaliyeed gaar ahaan Haweenka, in aan ka qayb qaadanno dhismaha iyo horumarinta waddankeena hooyo si waafaqsan diinteena iyo dhaqankeena oo aynaan ku dayanin bulshooyin caddaaladda aad uga fog (walow ay u muuqdaan kuwo caddaalad iyo sinnaan ku salaysan), ayna ogaadaan in sinnaan kasta aysan caddaalad ahayn (galbeedku waxuu hadda dib u raadinayaa xaquuqdii ragga), laakiin caddaaladdu tahay in ruux kasta (lab iyo dheddig) waxuu yahay lagu qiimeeyo. Haweenka soomaaliyeed iyagoo aan qaadanin risaalada Hillary Clinton (iyadaaba dulman meeyey magacii aabbaheed su’aashaas iswaydii) iyo Nicolay Kay, ayeey bulshadooda meel uga soo bixi karaan oo ay ka qayb qaadan karaan badbaadinteeda iyo in ay sharafteedii iyo midnimadeedii soo laabato ay caalamka ku lahayd. Haweenka soomaaliyeed waa in ay taas ku hamiyaan oo ay juhdigooda geliyaan.

“Haantu Gunta bay ka tolantaa”

W/Q Sociologist: Zam Zam Cilmi-Shabeel

E-mail: zamzam_shabeel@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com. Mahadsanid