R/W CC Sharmaarke oo cadeeyay mowqifkiisa ku aadan mooshinkii kala diray baarlamanka Jubba

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa markii ugu horaysay ka hadlay khilaafka u dhaxeeya BF Somalia iyo Baarlamaanka Jubbaland.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa ka hadlay Mowqifkiisa ku aadan go’aanka lagu laalay Baarlamaanka Jubbaland waxa uuna Ra’isul wasaaraha sheegay in BF Somalia uu awood u leeyahay xal ka gaarista caqabad waliba ee taagan balse ay furan tahay kaliya in xal la raadiyo.

Waxa uu sheegay in ka xukuumad ahaan ay ka go’antahay in la xaliyo Khilaafyada ka dhextaagan BF Somalia iyo BJ, arrinta xalintana ay u xil saaren Gudi u kuurgalaayo Cabashooyinka taagan.

”Dhabtii wey naga go’an tahay inaan xal u raadino go’aanka kasoo baxay BF, waayo aniga dhowr jeer oo sii horeysay waxaan BF ka codsaday in Mooshinka dib loo dhigo ma dhicin waayo BF cidina kama hor istaagi karto go’aan ka doodistiisa horyaal”

”Waxaa jiro gudiyo wasiiro ka kooban oo loo xil saaray xalinta Khilaafyada waxa ay la fadhiisan doonaan Maamulka Jubbland waxa ayna baadi goobi doonaan xal u helida arrinta murugeysan, waayo waad la soctaan in Beesha caalamkuba ay qoraalo ay kasoo saaren go’aanka BF Somalia ay gaaren, hadana kama quusan oo dadaal ayaan wadnaa”

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa shaaca ka qaaday in ay jirto waxyaabo wali mugdi ku jira ayna doonayaan in daaha laga rogo.

Mowqifka Ra’isul wasaare Cumar ayaa u muuqda inuu raacsan yahay kan kasoo yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo isagu si dadban uga deeriyay wax ka qabashada Go’aanka lagu kala eryay BJ.

Geesta kale, Waxaa muuqaneysa in Mas’uuliyiinta ugu sareysa DF Somalia ay ka mideysan yihiin kala dirista Baarlamaanka Jubbaland oo lagu eedeeyay u kala eexashada Beelaha halkaasi wada dega.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com