Muqdisho (Caasimada Online)- Mid kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya uu ku socoto faragelin badan oo ay ku sameynayaan madaxda ugu sareyso dowlada Soomaaliya.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay inay jirto faragelin badan oo ku aadan soo dhisada golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya, isagoo cadeeyay inaysan wanaagsaneyn.
Wuxuu ku baaqay in ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya laga daayo faragelinta lagu haayo, si uu usoo magacaabo golo wasiiro oo ay ku qanacsan yihiin xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed.
Xildhibaan Dalxa, oo kamid ah xildhibaada kasoo horjeestay xukuumadii hore ayaa sidoo kale sheegay in Cumar C/rashiid ay ka sugayaan inuu keeno golo wasiiro oo tayo, maadaama la siiyay fursad kale oo dheeri ah.
“Waxaan ognahay inay jiraan faragelin lagu haayo ra’iisul wasaaraha, oo dhanka banaanka iyo gudaha marka waxaan leenahay waa in laga daayaa faragelinta lagu haayo si uu usoo dhiso xukuumad loo dhan yahay”sidaasi ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.
Ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya ayaa heysta muddo 7 maalin ah waxaana la filayaa inuu soo dhameystiro golaha wasiirada, uuna keeno ku xigeenada iyo agaasimayaasha wasaaradaha.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

