R/W CC Sharmaarke oo qirtay arrin uu ka fuliyey shirkii Cadaado oo uu ugu daneynayey beeshiisa

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa markii ugu horeysay qirtay in waxgarad kasoo jeeda deegaanada Puntland kana qeyb galayay shirkii magaalada Cadaado uu ka saaray.

Isagoo saxaafada la hadlayay ayuu sheegay in dadkaasi ay kasoo jeedeen magaalooyinka Puntland, shirka ka dhacayay magaalada Cadaadana uu ahaa mid u dhaxeeyay shacabka gobolada dhexe ee dalka. Cumar ayaa sidaas u sameeyey isaga oo u daneynaya inuu qanciyo beeshiisa Puntland

Shirkii magaalada Cadaado ayaa laga saaray waxgarad kasoo jeeday beesha Leelkase kuwaasi oo lagu wargeliyay iney kasoo jeedaan deegaanada Puntland ayna ka qeyb gali Karin shirkii magaalada Cadaado.

Hadalkaan ayuu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya kajeediyay magaalada Burtinle halkaasi oo uu kula kulmay masuuliyiin iyo waxgarad kasoo jeeda deegaanada maamulka Puntland.

Shirkii ka dhacayay magaalada Cadaado ayaa laga saaray waxgaradka ku abtirsada deegaanada Puntland, laakiin kasoo jeeda waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaana taasi ay keentay in dad badan ka caroodaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com