Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa goordhow lagu wadaa inuu u socdaalo magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.
Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa socdaalkiisa maanta ee magaalada Kismaayo ku wehlinaaya Golihiisa Wasiirada halkaasoo lagu wado in maalinta berri uu ka dhaco shirka Golaha Wasiirada.
Ra’isul wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada ayaa Garoonka Aadan Cadde uga kala dhoofi doona laba diyaaradood oo kala gaar ah, kuwaa oo iminka la sheegay inay ku diyaarsan yihiin Garoonka.
Labada diyaaradood ee Garoonka Aadan Cadde ka qaadi doona Ra’isul wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada ayaa kala bixi doona gelinka hore iyo gelinka dambe ee maanta.
Diyaarada ugu horeysa ayaa Garoonka ka qaadi doonta Wafdi gaara oo uu Hogaamin doono Ra’isul wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed, waxaana ku wehlin doona Golaha Wasiirada.
Diyaarada labaad ayaa waxa ay Garoonka ka qaadi doontaa Ra’isul wasaare Kheyre iyo Xubno aad u kooban kuwaa oo qeyb ka ah Shirka Golaha Wasiirada oo maalinta beri ah ka furmi doona magaalada Kismaayo.
Sidoo kale, Kheyre oo la kulmay Guddiyada joogtada ayaa waxa uu u sheegay in maanta oo Arbaco ah uu u ambabaxayo Kismaayo.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

