Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa si kulul uga hadlay Maqnaanshaha Internet-ka Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in ay tahay wax laga xumaado in muddo ka badan 15 maalmood in uu internet-ku ka maqan yahay qeybo ka mid ah Soomaaliya, islamarkaana ilaa iyo hadda aysan jirin tilaabo horay loo qaaday.
Waxaa uu sheegay in lala xisaabtami doono kuwii Gooyay qadka Internet-ka iyo sidoo kale cidii horay maamulka Internetka u haysay.
Xeerilaaliyaha Qaranka ayaa sidoo kale tilmaamay in aan looga hari doonin dadka maamula Internet-ka Khasaarihii soo gaaray Bulshadda Soomaaliyeed intii uu maqnaa Internet-ka.
Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay wax ka qabtaan Maqnaanshaha internet-ka oo uu sheegay in uu caqabad ku yahay Bulshadda Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaaradda Boostadda dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegay in maalintii Shacabka Soomaaliyeed ay khasaaraan lacag ka badan 10 Milyan oo dollar.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

