Muqdisho (Caasimada Online) – Marka bisha ramadaan dhamaato ayaa waxgaradka iyo xildhibaanada beelaha Hawiye ay u balansanaayeen in la guda gelo ka hadalka mustaqbalka aayaha gobolka Banaadir, sidoo kale madaxweynaha maamulka Hirshabeelle uu iclaamiyay in bacda Ramadan gogosha dhismaha maamul uu yeesho Gobolka Banaadir la dhigi doono degmada Balcad.
Haddaba, waxaa soo baxaya warar kala duwan oo ku aadan in arrimahaasi ay dowladdu u adeegsatay farsamo lagu daminaayo qorshaha maamul gaar ah oo uu yeesho gobolka Banaadir.
Xildhibaanada beelaha Hawiye, gaar ahaan beelaha Mudullood oo abaabulka iyo kicinta markii hore lahaa ayaa hadda muuqan oo sameeyay dib u gurasho iyo in ay ka aamusaan qorshihii ay horay bulshada ku kiciyeen.
Warar hoose oo kasoo xiganay xubno ku dhow dhow xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo Duqa Muqdisho ayaa sheegaya in kooxihii ololahaan maamul u sameynta iyo maqaanka gobolka Banaadir oo laba u kala qeybsanaa mid walba si gooni ah madaxda dowladda isu arkeen, iyadoo koox walba lagu qanciyay balanqaadyo iyo wax xooggaa dhaqaale ah oo jeebka loo geliyay si aysan dib danbe ugu hadlin, wixii maqaamka gobolkana ugu danbeeyaan Guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed laguna garab siiyo inuu soo dhiciyo maqaamka caasimada leedahay.
Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ahaa xubnihii ololaha xooggan waday ee iclaamiyay bacda ramadaan ayaa dib danbe looga maqal hadalka maqaamka Muqdisho, halka Drs. Mina Xasan Shibis, Malaaqa Xamar iyo Xamar Daye iyo xubno kale oo beesha Galmaax kasoo jeeday ay ictiraafeen hadalka Guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit ee ah in wixii xuquuq raadin ah iyo maqaamba isaga looga danbeeyo.
Guddoomiye Taabit iyo xubno ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa juhdi iyo dhaqaale ku bixiyay in ololihii ka socday Muqdisho la damiyo, taasoo u suuragashay dowladda.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

