29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Xog: Colaaddii beelaha Celi Cumar iyo Cabdalla Caroone oo Muqdisho ka bilaabaday

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Colaada soo jireenka ah ee u dhaxeysa beelaha walaalaha ah ee Cabdalla Caroone iyo Celi Cumar oo ka wada tirsan beelweynta Abgaal ayaa ka bilaabaday magaalada Muqdisho, kadib markii ay fashilantay waan waan iyo heshiisyo hordhac ahaa oo lagu gaaray degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Colaada labada beel u dhaxeysay ayaa waxay ku koobneed baadiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe, hase ahaatee magaalada Muqdisho loo soo raray, kadib markii shalay nin la dhashay guddoomiyaha degmada Cadale lagu dilay degmada Kaaraan.

Sida la sheegay ragga dilka geystay ayaa kasoo jeeda mid ka mid ah labada beel, waxayna tallaabadaasi dilka ah keentay kala maadasho iyo cabsi badan oo soo wajahday dadka u dhashay labadaasi beel in ay guryahooda kasoo bixin.

Dhacdadaan ka dhacday degmada Kaaraan ayaa loo arkaa in wixii ka taagnaa deeganada gobolka Shabeellaha Hoose, loo soo raray magaalada Muqdisho.

Waxaa wax lala yaabo ah in xiligan oo Soomaali ay u jiheysatay dhisme qaran, oo dowlad shacabkuna aad u taageersan yihiin ay dalka ka jirto, in laba beel oo Abgaal ah oo walaalo ah, haddana ay is-dilaan.

Beelaha Abgaal, ayaa inta badan ah beelo nabadda jecel, haddana waxaa ku jira qaar mar walba jecel inay ayaga dhexdooda is-dilaan, ayada oo aysan jirin wax macno ah oo la isku dilayo.

Qofka maanta dilaya qof walaalkiis ah, wuxuu ku seegayaa aakhiro iyo adduun. Adduunka wuxuu ku noolaanayaa cabsi iyo dakane iska ilaalis, aakhirana waxaa sugaya cadaabta alle.

Intaad walaalkaa dili lahayd, marka hore is-weydii waxa faa’iido ah ee adduun iyo aakhiro kugu jira. Xitaa haddii qof lagaa dilo, aad dooneyso inaad u aargudo, maxaa kaa soo galay dilkaas, ma wuxuu kuu soo celinayaa qofkii lagaa dilay, mise dadkaaga unbaad sii yareeneysaa?

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News