Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo magaalada Addis Ababa kaga qeybgalay shir madaxeedka ururka Midowga Afrika ayaa dhinaca kale kulamo gooni gooni ah la qaataymadaxweyne kuxigeenka Seychelles Vincent Meriton iyo ra’iisul wasaaraha Mauritius Pravin Jugnauth, isagoona kala hadlay xaalada tiro maxaabiis ah oo ku xiran dalalkaasi.
Dalalka Jaziiradaha Seychelles iyo Mauritius oo dhaca badweynta Indian Ocean ee qaarada Afrika ayaa waxaa ku xiran maxaabiis Soomaaliyeed oo intooda badan ay ku jiraan xabsiyada Seychelles, kuwaasi oo loo haysto dambiyo la xiriira burcad badeednimo.
Kulamada uu Kheyre la qaatay ayey iskula soo qaadeen suuragalnimada sidii dowladda Somalia loogu soo wareejin lahaa maxaabiistaasi, isagoona ka codsaday in sida ugu dhaqsaha badan loogu soo wareejiyo dowladda Somalia maxaabiista ku xiran dalalkaasi.
Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in ay aqbaleen codsiga ay u gudbiyeen isla markaana wadankooda kula laaban doona iyadoo lagu balamay in wafdi dhinacyadaasi ah is arkaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

