Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa sheegay in qarax baabuur uu ka dhacay isgoyska Taleex ee degmada Hodan.
Qaraxan ayaa lala beegsaday Cabdirisaaq Yuusuf Bahlaawi, oo ah agaasimihii xilka laga qaaday ee wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, oo qaraxa loogu xiray baabuurkiisa.
Mas’uuliyiinta degmada Hodan ayaa Caasimada Online u sheegay in dadkii saarnaa baabuurka qaraxa oo ahaa saddex ruux ay dhaawacyo soo gaareen, uuna ku jiro Bahlaawi.
Warar hordhac ah oo aan helnay ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhashay walxaha qarxa oo looga dhigay baabuurka uu watay Bahlaawi.
Waxa uu qaraxa dhacay xilli uu Bahlaawi ku dhowaa gurigiisa, oo uu u hoyday.
Dhaawaca Bahlaawi, ayaa la sheegay inuu yahay mid fudud oo garabka ka gaaray, islamarkaana uu hadda xaalad wanaagsan ku sugan yahay. Bahlaawi ayaa ku sugan hoygiisa, lamana geyn isbital.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

