Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre oo kulamo gaar gaara la qaatay Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada dalka ayaa u sameeyay ballanqaadyo kala duwan.
Ra’isul wasaaraha ayaa Hogaamiyayaasha u ballanqaaday in si siman ay u heli doonaan dhammaan waxyaabaha ku aadan xuquuqda.
Kheyre waxa uu tilmaamay inuu xoogan saari doono isla markaana wakhti badan galin doono ka dhabeynta qodobada kala ah:-
1-In Shirarka Golaha Wasiirada iyo Kulamada caadiga ah uu noqdo mid joogta u ahaan doona dhammaan Caasimadaha Gobolada dalka.
2-In Xukuumadu ay sameyn doonto barnaamijo gaara oo is dhexgal loogu sameyn doono Madaxda dowlada iyo kuwa Maamul Goboleedyada, iyadoo la abuurayo jawiyo ka duwan kuwii hore.
Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu Hogaamiyayaasha u ballanqaaday inay laba jibaari doonaan qorshooyinka suuragalinkara inay isku soo dhawaadan Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul Goboleedyada, waxa uuna taa bedelkeeda ka dalbaday inay u diyaar garooban soo dhaweynta.
Waxaa ballanqaadka soo dhaweeyay dhammaan Hogaamiyayaasha Gobolada oo iyagu sugaaya marti galinta Shirka Golaha Wasiirada ee todobadka danbe.
Geesta kale, waxaa magaalada Kismaayo maanta oo Khamiis ah ka furmi doona Shirka Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia, waxaana halkaa ku dhan dhammaan Wasiirada Xukuumada.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

