24.7 C
Mogadishu
Sunday, July 5, 2026

Dhageyso: Maalinta uu shaqo bilaabayo Internet-ka Somalia oo la shaaciyay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta, Cabdi Canshuur ayaa shaaciyay in shalay uun uu yimid markabkii sameyn lahaa Internet-ka islamarkaana uu ka bilaabay howsha halka uu ka soo leesdo cable-ka Internet-ka yimaada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in maalinta jimcaha ah la filaayo in markabkaasi uu soo gaar meel dhowr km, u jirta xarunta Xalane islamarkaana uu ka howlgelli doono.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in ugu dambeyn la rajeynayo in maalinta Axadda ah ee soo socota ay dadku si caadi ah u istcimaali doonaan qadka uuna shaqeyn doono.

Waxaa la weeydiiyay su’aal aheyd hadal haynta Bulshada oo aheyd sababta uu qadka u maqan yahay in ay tahay deymo lagu yeeshay shirkaddaha keena Soomaaliya Qadka Internet-ka ayaa waxa uu sheegay in Warkaas uu yahay mid been ah islamarkaana hadda uu socdo qorshe lagu hagaajinayo Internet-ka.

wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay in markabkii jaray internet-ka gacanta lagu hayo xeer ilaalintuna ay go’aan ka gaari doonto.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News