Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa ka hadlay Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ee isku uruursanaaya magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.
Kheyre ayaa sheegay inay muhiim tahay in wax waliba lagu dhameeyo wadahadal waxa uuna tilmaamay in dalka uu ku jiro xaalad kobac ah loona baahan yahay in loo naxo dalka.
Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu ku baaqay inaan dalka dib loogu celin halkii uu kasoo tagay dhowr sano ka hor, waxa uuna ku celcelshay in tabashooyinka Xildhibaanada lagu xali miiska wadahadalka.
Kheyre ayaa bidhaamiyay in Somalia ay iminka heshay dowladii ay u baahneyd waxa uuna cadeeyay inay aad uga walaacsan yihiin in Somalia ay dib ugu laabato xiliyadii kala duwanaa oo ay soo martay.
Waxa uu tilmaamay inay jiri karaan tabashooyin ka imaada dhanka Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta madaxabanaan, balse waxa uu farta ku goday inay muhiim tahay in talaabooyinka lagu mucaaradaayo dowlada laga fiirsado.
Waxa uu ku baaqay in tabashooyinka laga qabo howlaha dowlada lagala xaajoodo Madaxda Qaranka, si buu yiri xal looga gaaro iyadoo aan la carqaladeyn dadaalada ay wado dowlada.
Dhinaca kale, Ra’isul wasaaraha ayaa cadeeyay inay diyaar u yihiin inay wax ka qabtaan tabashooyinka Xildhibaanada, waa haddii ay dhacdo in la horkeeno wixii jira.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

