RW Kheyre oo shaaciyay sababta rasmiga ah ee dowlada Mareykanka u jartay Kaalmada Ciidamada DF

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qorshaha ay dowlada Mareykanka ku jartay deeqaha ay siisi ciidamada dowlada.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay in go’aankaasi lagu hakiyay kaalmada uu ahaa mid ay isla ogaayen dowladaha  Somalia iyo Mareykanka.

Waxa uu tilmaamay in ujeedka loo jaray uu yahay mid lagu saxaayo khaladaadka weli ka dhex jira ciidamada dowlada, iyadoo dib loo bilaabi doono sixitaanka kadib.

Waxa uu Kheyre sheegay inuu jiro khaladaad farabadan oo ay kamid tahay bixinta mushaaraadka ciidamada iyo howlaha kale ee ku xeeran baahiyaha ciidanka.

Waxa uu Ra’isul wasaare Kheyre intaa ku daray inay jiraan warar been abuur ah oo la xiriirta in kaalmada loo jaray sababo la xiriira musuq-maasuq ka dhex jira ciidamada.

Kheyre waxa uu hadalkan ka sheegay shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho, waxa uuna rajo weyn ka muujiyay in dib loo bilaabayo kaalmada Mareykanka.

Haddalkan ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Mareykanka ay daboolka ka qaaday inay hakisay deeqaha ay siiso ciidamada dowlada Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com