27.7 C
Mogadishu
Thursday, May 14, 2026

R/W oo xilka ka qaaday wasiirka cadaaladda ee…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Qaahira (Caasimada Online)- Ra’iisul wasaaraha dalka Masar ayaa xilka ka qaaday wasiirka cadaalada ee dalkaasi Masar oo kadib markii uu muran ka keenay arimo la xiriira nabigeena NNKH.

Axmed Al-zend ayaa dood kaga qeyb galay TV si gaar ah loo leeyahay Jimcihii lasoo dhaafay waxaana wariyaha wareysanayay uu weydiiyay  arimo la xiriira xariga wariyayaasha.

“Haddii uu nabi yahay xitaa  nabad galyada iyo salaada waa dushiisa ayuu ku jawaabay wasiirka cadaalada, waxaana la sheegay inuu u gafay nabi Mohamed.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Masar ayaa la sheegay in xabsiga la dhigay wasiirkii cadaalada ee dalka Masar islamarkaana xilka laga qaaday.

“ra’iisul wasaare Shariif Ismaaciil ayaa amray inuu xilka ka tago Axmed Al-zend”sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowlada, laakiin wax faahfaahin ah lama raacin.

Qaar kamid ah qaadiyaasha Masar ayaa sheegaya iney ka xun yihiin qof usoo halgamay difaaca qaranka iyo shacabka Masar, cadaalada iyo qaranimadaba in sidaasi loola dhaqmo.

Caasimada Online
Xafiiska Masar
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News