R/W SAACID OO KA XUN WIXII DHACAY

Muqdisho (Caasimada online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa ka tacsiyeeyey geerida dad tahriibayaal Soomaali ah oo ku geeriyooday xeebaha Jaziirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri “Aadbaan uga naxay runtii dhimashada ka dhalatay doonta ku degtay xeebaha Lampadusa, waxaana tacsi u dirayaa qoysaska, iyo ehelada dadkii ku dhintay dhacdadaasi, waxaana alle uga baryayaa inuu u dambi dhaafo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo sidoo kale u tacsi u diray dawladdaha dadkii kale ee afrikaanka ahaa ee ku geeriyooday doontaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa kula dardaarmay dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka waantoobaan inay dalkooda ka cararaan, isla markaana si macno darri ah ay ugu le’daan badaha caalamka, wuxuuna xusay in xukuumadda Soomaaliyeed ay muhiimada koowaad siin doonto waxbarashada iyo shaqo abuurka dhalinyarada si ay dalkooda ugu nagaadaan.

“Fursado badan ayaa ka jira dalka, dhalinyaradu waa in aysan naftooda ku halligin badaha, qurbajoogtii Soomaaliyeed ayaa dib ugu soo laabanaya dalkooda si ay ug qeyb qaataan dib u dhiska, mana haboonna in xiligan loo haajiro dalal kale” ayuu yiri ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaare Saacid..

-Dhamaad-

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com