Kenya oo ku Wareersan Weerarkii West Gate & Magacyo Cusub

Nairobi (Caasimada online) Weerarkii lagu qaaday dhowan Xarunta Ganacsiga ee Westgate Mall, ayaa Baaritaano ay sameeyeen Taliska Ciidamada Difaaca dalkaas waxay ku bandhigeen Magacyada Seddex nin oo la rumeysan yahay in rasmi ahaan weerarkaas ay Hormuud u ahaayen

Magacyada Seddexdaan Nin waxaa lagu sheegay 1:Abuu Barre Al-Suudaani, 2:Cumar Al-Nabhaan 3: iyo Al-daab iyo Al-kayni. Waxayna seddexduba la sheegay inay ka yimaadeen Muqdisho oo caasimada Soomaaliya ah

Cumar Al-Nabhaan, ayay sheegeen Saraakiishu inuu ku soo barbaaray, oo uu wax ku bartay Magaalo Xeebeedka dalka Kenya ee Mombaza.

Hayeeshee Saraakiishu waxaysan Cadeyn, Rasmi ahaan dalalka ay u kala dhasheen raggan iyo waliba Baasaboorada Kenya ay ku soo galeen , ka hor inta aaney Fulin Weerarkii  mashaqa badan dhaliyay ee daarta Westgate Mall lagu qaaday 21-kii Bishii hore.

Kenya ayaa wali baadi goob ugu jirta dadkii ka dambeeyay weerarkii dhowaan dalkeeda ka dhacay , waxaana jira dadaalo ay wadaan Sirdoonka dalkaas inay arintaas ku ogaadaan inkastoo hadba dhan ay wax usoo bandhigayaan.

Wali Kenya Raq iyo Ruuxba uma aysan soo bandhigin ragii Gudaha u galay daarta westgate , Waxaana jiray warar sheegayay inay baxsadeen inkastoo dowlada dalkaas ay beenisay

Shaki badan ayaa jira Dadkuna walaac xoogan ayaya muujinayaan ciidamaduna baaritaanada ayay sii laba jibaraayaan , waxaana Kenya weerarkkii westgate ka dib ay gashay jawi cabsiyadeed.

 Caasimada online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com