Saadaasha dhacdooyinka 2015 ee P/L !

Sanadka 2015 ayaa waxaa la filayaa in gayiga Somaliyeed guud ahaan ka dhacaan isbadalo waa weyn. Mandaqada Puntland ayaan diirad ku saari doona qoraalka kooban:

Mushaar la’aanta iyo cabashooyinka isasoo tarayo:

Kadib markii bishii Janaayo 2014 laga guuleystay xulufadii Farole waxaa aad loogu rajo weynaa in GAAS isbadal dhab ka dhalindoono gayiga Puntland. Arintaa ayaa hada u muuqato mid quus ah. Maamulka GAAS xataa wuxuu ku fashilmay bixinta mushaaraadkii xaqa loogu lahaa in ka badan 10 bilood. Waxaa aad iskusoo tarayo cabashooyinka ka imaanayo qeybaha kala duwan ee bulshada. Waxaa soo korortay falalka amni daro iyo colaada ka dhaxeyso beelaha walaalaha ah ee reer Puntland. Shirweynaha wadatashiga iyo dib u heshiisiinta beelahii Puntland dhistay ayaa wax war ah laga heen ajandihiisa iyo goorta u qabsoomi doono. Balamihii Gaas ku galay doorashooyinka ayaa kusoo koobmay booqashooyin aan waxba daba socon oo GAAS ku tago mashaariicdii dowladii ka horeysay. Xoreyntii gobolka SOOL ayaa noqontay dacaayad doorasho oo raqiis ah.

Shirweynihii dib u eegista Qorshayaasha Hay’addaha Dawladda Puntland 2014-2015

27 & 28 december 2014 waxaa magaalada Garowe lagu qabtay shir lagu qiimeynayay waxqabadka iyo qorshayaasha heyada iyo wasaaradaha dowlad Puntland. Sida ilo ka agdhow madaxweyne GAAS noo xaqiijiyeen ujeedada shirku ayaa ah sidii loogu gogol xaari lahaa xilka qaadis raxan wasiiro iyo agaasimyaal dowladeed ah. MD Gaas ayaa si kultalagal ah u canaantay wasiirada laga takhalusi doono. Sidoo kale waxaa amaan iyo bogaadin loo jediyay wasiirada la jecel yahay la xisaabtanka iyo su’aalahana waa laga yareeyay. Wasiir dowlayaasha, wasiir kuxigeenada iyo agaasimyaasha ayaa isbadal kooban lagu sameyn doonaa. Wasiir kuxigeenka wasaarada maaliyada ayaa isbadal lagu sameyn doonaa. Waxaa horaanta 2015 shaqada laga eriyi doono sida la saadaalinayo wasiirada hoos kuxusan:

  1. Ismaaciil Maxamed Warsame Wasiirka Wasaaradda Caddaladda arimaha diinta
  2. Xasan Cismaan Maxamuud Alloore Wasiirka Wasaaradda Amniga
  3. Cali Axmed Faatax Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah
  4. Xasan Xaaji Siciid Xasan Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada & Garoomada
  5. Cabdullaahi Jaamac Saalax Wasiirka Dekadaha iyo gaadiidka
  6. Guuleed Saalax barre Wasiirka Deegaanka dalxiiska iyo duurjoogta
  7. Maxamed Xasan Soocadde Wasiirka ganacsiga iyo wershadaha

Magacaabista Gudiga Doorashooyinka:

Barnaamijka dimoqoraadiyeynta iyo axsaabta badan ayaa qabyo galay kadib markii shaqaaqooyin ka dhaceen meel kamid ah deegaanada Puntland bartamihii sanadkii hore 2014. Arintaa waxeey sabab u aheyd in maamulkii MD Farole joojiyo dhamaan howlihii la xiriiray xisbiyada. GAAS ayaa ku dhawaaqay in horaanta sanadka 2015 dib loo dardar galin doono. Waxaa la filayaa sida ila ka ogdhow GAAS xaqiijiyeen in Abdi Farah Said (JUXA) loo magacaabo gudoomiyaha gudiga doorashooyinka JUXA ayaa ah wasiirkii hore ee waxbarashada isla markaana ah madaxweyne GAAS saxiibkiis.

Khilaafka GAAS vs. Camey:

Khilaafka labada masuu ayaa ah mid mudo badan soo jiitamay waxaana loo aaneynayaa arimo la xiriiro shaqada labada masuul oo aad isugu qasan. MD Gaas ayaa is tusay inuu sidii kaligii taliye u dhaqmo arintaana ma noqon mid u cuntanto MD Camey oo lagu xanto inuu yahay MD rasmiga ee Puntland. Labada masuul oo ku jiro xaalada nabad iyo dagaal la’aan ah ayaa khilaafkooda cirka kusii shareeray kadib markii bishii hore MD Gaas iyo Ciise Dhollawaa Agaasimaha shidaalka Puntland heshiis qarsoodi ah Addis Ababa kula galeen shirkad shidaal British/American ah lacago hormaris ahna ka qaatee. MD Camey ayaa aad u doonayo in xilka laga qaado Dhoolawaa oo ku eedeysan inuu yahay nin kaligii duul ah wax hanaan dowladeed ahna aan xushmo iyo qadarin u heyn.  MD Gaas oo ka leexleexanyo isku dhaca MD. Camey ayaa gorgortan ahaan ogolaaday in Dhoollawaa la badalo iyo in saami Camey laga siiyo isbadalka 2015 lagu sameyn doono golaha wasiirada.   

Shirweynaha maamul goboleedyada, New Deal iyo Doorashooyinka madaxnimo ee Somaliya 2016

Kadib markii laga guuleystay xulufadii Farole Puntland ayaa gabi ahaan ka baxday saameyntii ee ku laheyd masraxa siyaasadeed ee Somaliya. Waxaa batay isku dhacdhac Puntland iyo dowlada dhexe. Kaalintii curadnimo ee Puntland ayaa sidoo kale wiiqmatay. Barnaamijkii new deal ayaa Puntland lagu qasbay in la hoos geeyo dowlada dhexe. MD. Maamulka Koonfur galbeed Shariif Hassan ayaa ku guuleystay in Puntland iyo Jubaland uu ku kacsado awrkiisa. Wuxuu sidoo kale Shariif Hassan ku guuleystay in shir isbaheysiga maamulada uu ku qabto magaalada Baydhabo siyaasada maamul goboleedyadana uu asaga  hago. Dadweynaha Puntland ayaa aad ugu xun doorka jilicsan ee GAAS ka dheelayo siyaasada Somaliya iyo geeskaba. Puntland ayaa la filayaa in doorashooyinka 2016 bilaa barnaamij lasoo shirtagaan.

W/Q: Saalax Saciid

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid