25.3 C
Mogadishu
Friday, February 13, 2026

Siyaasada Soomaaliya: Isu guurin, uur, fool, dhicis, dhimasho iyo kala furriin

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Allah subxaanahu watacaalaa wuxuu noo sheegay in dadku uu abuuray iyagoo dhib iyo shaqo ay adduunkan kala kulmi doonaan sida aayaddani caddeyneyso:

laqad

“Xaqiiqdii waxaan abuuray Insaanka, oo beer xanuun dhexdii(ayaan ku abuurnay)”

KABADKA waxaa loola jeedaa mashaqo, kadeed iyo tacab,  waayoo Insaanku asal ahaan mashaqo iyo kadeed dhexdii ayaa lagu abuuray laga bilaabo markuu candhuufta ahaa ilaa uu noqdo mayd qabriga dhexyaal.

Markii uu calyada ahaa ee raximka lagu tuuray ma degganayn, oo riximka ayuu dhex heehaabayey, kadib calaq ayuu noqday, kadib lafo ayuu noqday, kadib hilib ayaa la huujiyey, naf ayaana la geliyey.

Halkaas ayay mashaqada uga billaabatay oo hooyadii waxaa u bilawday dhib marxalado kala duwan mara , canuggiina wuxuu billaabay mashaqo iyo inuu ku jiro mugdiyaal saddex oo isa saarsaaran. Eeg aayadda 6 suuratu Zumar

Sidoo kale hooyada iyo canuggaba mashaqo ayay kala kulmayaan xilliga dhalmada oo hadduusan ALLAH u yasirin canugga sooma uusan baxeen, sida aayaddan noo caddeyneysa:

suma

Markuu dhasho, xubnaha jirkiisoo dhan ma shaqeynayaan, waxaa u billaabaneyso mashaqo, marka hore Ogsijiin ayaa jirkiisa galeysa, dhiiggii ayaa billaabaya inuu shaqeeyo, kaddibna si tartartiib aha ayaa axsaaskii ama dareemayaashii shanta dib shaqadooda u billaabaneysa.

Ilaa ee ka geeriyoodana mashaqadaas ayuu ku jirayaa oo ugu dambeyn noqon karta inuu ku gaaro nasasho joogto ( janno) ama mashaqo joogto ah iyo cadaab(Naar) wal ciyaadu billaah.

Haddaba, iyadoo aan la hureyn mashaqadaas ayaa haddana xaaladda siyaasadeed ee maanta ka taagan Soomaaliya waxay wax ka shabahdaa maraaxilkan uu aadanuhu marayo. Tani waxaa u sii dheer mashaqo dadku isku sameeyeen oo ka mid noqotay nolosha siyaasadda iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed taasoo aysan ka marnayn faragelin shisheeye oo aad mararka qaarkood ku xusiisineysa erayadii uu tiriyey abwaankk Soomaaliyed ee ahaa “Maba doonayaan inaan dawlad ahaanno”.

Xaaladda maanta taagan, si kastaba ha ku yimaadeene waxaan leenahay Baalamaan la xulay, Madaxweyne, Guddoomiye Baarlamaan iyo Ra’isul Wasaare, lagu dhaariyyey magaca ALLAH, lagulana heshiiyey qaabkii ay ku hoggaamin lahaayeen dalka xal raadisba ha ku saleysnaadee;kuna aminnay inay na hoggaamiyaan.

Waxay ahayd in faraha looga qaado dhismaha golayaashooda lagulana xisaabtamo, balse waxaa dhacday taas mid ka duwan oo ah in beel waliba u xusul duubto sidii ay ku heli lahayd Wasiirrada ugu badan iyo wasaaradaha ugu muhiimsan iyadoo aan u aabbo yeeleyn aqoonta, kartida iyo waayo-aragnimada shaqsiyaadka ay xilka u doonayaan.

Umuurtaas oo hakad weyn gelisay horumarka dalka ayaan waxaan ku shabbahay cinwaanka maqaalkan oo aan isu guurinta ula jeedo in xubno aysan hoggaanku raalli ka ahayn ama la shaqayn karin lagu qasbo inay golahooda ku daraan, taasoo la mid ah gabar lagu qasbay loona  guuriyey nin aysan dooneyn oo aan garan karno sida uu noqonayo hab nololeedkooda.

Uurka waxaan ku shabbahay mid ku  yimid rimay-gacmeed oo aan ula jeedo in beelaha Soomaalidu ama gacmaha shisheeye ay caloosha dawladda ku ritaan shaqsiyaad aan aqoon, karti iyo waayo aragnimo loo eegin halkaasna ay mashaqo ka billaabato  caloosha dhexdeeda maadaama aysan awoodin inay xambaarto tirdaas badan.

Fool, waxaan ula jeedaa dhibka laga marayo fooshooda oo aan tan haatan taagan ee lagu dhawaaqi la’yahay golihii Wasiirada, waayoo caloosh oo buuxda ayaa waxaa la rabaa in qaar laga soo saaro kuwana lagu daro.

Dhicis waxaan ula jeedaa, maadaama calooshu muggeedu xadidan yahay qaar baa dhexdeeda ku dhimayana, qaarna iyagoon dhammeystirnayn ayaa laga soo saarayaa, qaarna iyagoo dhicis ah ay dhalanayaan, wax qabakooduna ma badna, markii sannad la gaarana weyba dhimanyaan sida maalmahan dhacda oo xukummad kasta aysan sannad dhafayn.

Intaasi kadib kuwii guurka isku qasba ayaa shaqo kale u soo baxdaa oo mar kale kala furaya labadii ay isku qasbeen oo waxaa dhacaysa jug jug meeshaada joog, waqtiguna sidaas ayuu ku dhammaanayaan.

Haddaba, sidan xal maaha, wuxuu ALLAH nagu manneystay nicmo weyn ee ah Caqli oo aan xayawaanka kaga duwannahay, waxaana loo baahan yahay inaan si wanaagsan u adeegsano waayoo Caqligu waa kan qof kala garan siiya xumaanta iyo samaanta, waa xarig ama dabar qofka ka dambra inuu xumaan ku dhaco ama ambado dadkana xumaan u horseedo.

Xayawaanku caqligiisa uma saamaxayo inuu ka feejignaado Qatar ku soo fool leh ilaa uu ka arko ama ku dhex dhaco kamana gaashaaman karo, balse insaanku Ilaahay wuu karaameeyey wuxuuna siiyey feker iyo caqli uu kaga gaashaanta qataraha ku soo fool leh inta aysan ku dhicin nimcadaasna waa la weydiinayaa shalayna lagama yeelayo.

Maanta, dalkeenna halis ayuu ku jiraa, cid kasta oo ka qayb qaadata halistaana Allah waa arkayaa waana laga abaalmarinayaa. Waxay ila tahay in qof weliba uu aakhiradiisa ka fekero oo uu rabitaankiisa adduunyadna meel iska dhigo.

Waxaan rabaa inaan xusuusiyo beelaha sad bursiga tartanka ugu jira in lacagtu afar qaab ay qofku ku soo gashaa kuna baxdo afar qaab, saddex qaabna cadaab lagy muteysto, qaabka afaraadna su’aalo la weydiinayo.

  • Qaab xaaraan ah ayay ku soo gashaa wuxuuna ku bixiyaa qaab xaaraan ah, kaasi lala hadli maayo oo naarta ayaa lagu tuurayaa.
  • Qaab xaaraan ah ayay ku soo gashaa qaab xalaal ah ayaana lagu bixiyaa, kaasina lala hadli maayo oo naarta ayaa lagu tuuri.
  • Qaab xalaal ah ayay ku soo gashaa, qaab xaaraan ah ayay ku baxdaa kaasi lala hadli maayoo oo naarta ayaa lagu tuuraa.
  • Qaab xalaal ah ayay ku soo gashaa qaab xalaal ah ayayna ku baxdaa kaaso waa kan ugu roon, waxaa la leeyahay halkaa joogso oo su’aal ayaa u bilaabaneysa.

Sida allah qur’aanka noogu sheegay aayaddan:

waq

Haddaba beelaha Soomaaliyeed ee tartanka inay ku cadaadiyaan Hoggaanka dalka Xubno aan u cuntami Karin inay faraha kala baxaan shaqadoodana u daayaan, Ilaahayna uga baqaan dalkan iyo dadkan dhibaateysan iyagoo kala dooranaya adduun dhammaaneya iyo aakhiro joogto ah.

wal

 

W/Q Abdikraim Haghi Yusuf

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

 

 

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News