Saadaq Joon iyo Sheekh Cabdiqani Qorane oo hadallo kulul isu mariyey Facebook

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Jeneraal Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa jawaab kulul kala kulmay mid kamid ah culumada Soomaaliyeed kadib qoraal uu saakay kusoo daabacay bartiisa Facebook.

Saadaq Joon ayaa saaka soo daabacay qoraal uu cinwaan uga soo dhigay Aaway Culummadii?, kaasi oo sida muuqata ku saabsan sababta culimada aysan uga hadli qaraxyadii lagu laayey shacabka ee Sabtidii ka dhacay Zoobe, wuxuuna qoraalka uu soo qoray u qornaa sidaan:

Aaway Culummadii?

1- Ma hadli karaan?, Dhiig ma shubi karaan?, 3- Cunto Magayn karaan?, 4- Dhawacyada Qur’aan kumasoo aqrin karaan?, 5- Janaasooyinka Kuma tukan karaan?, 6- Dhaawacyada nasoo booqankaraa?, 7- Nadaafada kama qayb qaadankartaa?

Waxaa saacado kadib qoraalkaan kasoo jawaabay Suldaan Cabdiqani Qorane oo muddooyinkii dambe ku caan baxay inuu codkiisa kula dagaalamo kooxda Al-Shabaab isagoo su’aalo adag waydiiyey.

Shiikh Qorane ayaa sidaan ugu soo jawaabay Saadaq Joon

“Xildhibaan Saadaq Joon, marka aad culumada u keentid ciidamo ka waardiyeeya Khawaarijta wuxuushta ah iyo gaadiid aysan xabbaddu karin (Bullet proof vehicles), xaafado amnigoodu sugan yahayna dejisid ama adigu aad ciidamada iska reebtid, gawaarida gaashaamanna ka degtid, xaafadaha shacabkana soo dhex degtid, dhiigna aad adigu bixisid marka hore ayey su’aashaas kuu furan tahay, Jawaabteeda oo ficil ahna aad heli kartaa. Intaas inta ka horreysa tooshka aad ifineysid adiga un buu ku qabanayaa.

Culumadu dagaalkan wey galeen, wey ku dhinteen, weyna u dakanoobeen, walina wey u taagan yihiin iyadoo cid aan Alle ahayn oo u maqan aysan jirin ee Brig. Jeneraalow culumada wax ula har adigana wax isula har.

Saadaq ayaan isna mar kale kusoo jawaabay  “Shiekh Suldan ixtiraam Umdda Soomaaliyeed kuu hayso oo kale ayaan kuu hayaa Waxaan lahaa kaligaa ayaad noqotee Garab u raadi. Aniga Waxaan qabanayana bilaa Sawir ayaan qabtaa. Baraarujin Culimmo ayay eheed ee eedayn Ma ahayn”.